Muxuu R/W Rooble maanta deg deg uga tegay shirkii golaha wasiirada dowlada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xilka sii-haya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa seegay shirkii Golaha Wasiirada ee maanta, kadib markii si deg-deg ah looga yeeray Madaxtooyada, xili uu furi rabay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Rooble ayaa si deg-deg ah uga baxay Xafiiskiisa, oo ay xiligaas soo buuxiyeen Kooramaka inta badan Wasiirada xukuumaddiisa, waxaana shirka todobaadlaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya shir-gudoomiyay ra’iisal wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed.

Ma cadda sababta  Rooble loogu yeeray Villa Somalia, hase yeeshee waxaa loo badinayaa inay la xiriirto arrimaha doorashada, maadaama wicitaankiisa uu yimid waxyar un kadib markii golaha wasiirada Puntland ay soo saareen qoraal ay ku adkeysanayaan in shirka Farmaajo ku baaqay lagu qabtay Muqdisho, ee aanu ka dhicin Garoowe.

Dhanak kale, shirkii golaha wasiirada ee maanta ayaa waxaa lagu ansixiyey Siyaasadda Qaran ee Howl-gabka iyo Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, Xubin Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, iyadoo la soo bandhigay qorshaha Korontada dalka.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhigga, taas oo ku aadan xasilinta iyo howlgallada amniga dalka, kuwaasi oo xaqiijiyey in la dar-dargelinayo howl-gallada lagu sugayo amniga iyo nabadeynta dalka, xiligan muhiimka ah ee lagu jiro doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa shirkan warbixin looga dhageystay wasaaradda Caafimaadka, oo iyadu soo bandhigtay xaaladihii u dambeeyey ee Caabuqa Covid-19 iyo saameynta uu ku yeeshay bulshada.

Ugu dambeyntiina waxa uu golaha xil-gaarsiinta boggaadiyay dadaalka lagu badbaadinayo caafimaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo lagu baaqay in la xoojiyo wacyi-gelinta bulshada.