Muxuu Xamza ka yiri arrinta muranka badan uu ka taagan yahay ee dastuurka dalka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay munaasabad Jimcihii ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan madaxtooyada ayaa ka hadlay arrinta muranka badan uu ka taagan yahay ee dhammeystirka dastuurka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkaan ka jeediyey kulan ciwaankiisu ahaa “Afur wadareedka is aragga xukuumadda iyo bulshada” ayaa  sheegay in dastuurku uu ku jiro gacan aamin ah.

Xamza ayaa shaaca ka qaaday in dhammeystirka dastuurka ay ku xiran tahay karaamada iyo dowladnimada Soomaaliyeed, sida uu ku dooday ra’iisul wasaaruhu.

“Walaalayaal dastuurku maanta wuxuu jiraa gacan aamin ah, qof kasta meel ayuu ka daneynayaan dastuurka, laakiin waxaan idin leeyahay qof kasta shaqadiisa haloo daayo, dhameystirkiisa waxaa ku xiran karaamada iyo dowladnimadeena, qof kasta oo xil idinka raba wuxuu dhihi jiray dastuurka ayaan dhameynayaa, balse maanta ayagii ayaa diidan inaan dhameystirno,” ayuu yiri Xamza.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray si aan dalku u gelin hubinta la’aan siyaasaddeed in ay muhiim tahay in hadda sameeyo shuruucdii hagi lahayd doorashooyinka dalka, si aan hadhow u imaan muran siyaasaddeed oo doorashooyinka la xiriira.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sii hadlayay ayaa sheegay in dhammeystirka dastuurka KMG ah ee horyaalla Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu yahay hortabin wadareed dadka Soomaaliyeed oo dhan u taalla, taas u baahan in la isku kaalmeysto ee aan u baahayn in la isku mucaarido.

“Muskhiladda jirta waa haddii aanan anigu fulinayn dastuurka sidiisa ha iska ahaado, berri marka ay harto waqti yar, haddii aan dhahno waxaan magacaabaynaa guddi doorasho, waxaa dhacaysa hubinta la’aan siyaasadeed sidii dhici jirtay,” ayuu mar kale yiri Xamza.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday dooda haweenka oo maalmahaan dalbanayey in dastuurka lagu cadeeyo oo qodob dhan laga dhigo qoondada haweenka oo 30% ah, isagoo sheegay in gabdhaha Soomaaliyeed ay xukuumadiisu u ogoshahay wax kasta oo ay dalbanayaan, isagoo haweenka kula taliyey in hanaan sharci ah ay xuquuqdooda ku raadsadaan oo buuq ka fogaadaan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli xubnaha mucaaradka ay diidan yihiin qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan wax ka beddalka dastuurka dalka, waxaana hormuud ah xubnaha diidan madaxweynayaashii hore iyo Deni oo haatan ku wada sugan Garoowe.