Sawirro: Weerar lagu laayey 115 qof oo lagu qaaday Moscow iyo koox sheegatay

Moscow (Caasimada Online) – Rag hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday masrax uu ka socday bandhig faneed oo ku yaalla duleedka magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka, ayaga oo dilay ugu yaraan 115 qof, dhaawacayna 140 kale.

Dableyda oo soo xirtay dharka militariga ayaa soo galay dhismaha, ayaga oo furay rasaas xooggan islamarkaana tuuray bam gacmeedyo, sida uu sheegay weriye ka tirsan wakaaladda wararka RIA Novosti oo ku sugnaa goobta.

Rasaasta ayaa kadib ku baahday hoolka xafladaha ee Crocus City ee xaafadda Krasnogorsk ee duleedka woqooyi ee Moscow, kaasi oo qaada kumanaan qof islamarkaana marti-geliyey heesaha fanaaniinta caalamiga ah.

“Sida ay sheegeyso xog horudhac ah, 115 qof ayaa la dilay, in ka badan 100 kalena waa dhaawac kadib weerarkii argagixisada ee hoolka Crocus City,” waxaa sidaas sheegtay hay’adda amniga Ruushka ee FSB, oo ay soo xigteen wakaaladda wararka Interfax iyo warbaahinta kale ee Ruushka.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in baaritaan “argagixiso” la billaabay, islamarkaana madaxweyne Vladimir Putin si joogto ah loola socodsiinayo xaaladda.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Dagaal-yahanada Daacish “ayaa weeraray isku imaatin ballaaran oo ka socday duleedka caasimadda Ruushka ee Moscow,” ayey kooxda ku tiri bayaan ay soo dhigtay barta Telegram.

Bayaanka Daacish ayaa lagu sheegay in dagaal-yahanada ay “si nabad ah ugu laabteen saldhigyadooda.”

Ciidamada ilaalada qaranka Ruushka ayaa sheegay inay ku sugan yihiin goobta oo ay baadi goobayaan dambiilayaasha.

Alexei oo ah musikiiste ku sugnaa bandhigga ayaa AFP u sheegay “inuu maqlay rasaas si xooggan uga dhaceysa qoryaha darandooriga u dhaca, kadibna ooyin badan ay xigtay.”

Ciidamada ammaanka oo ay soo xigatay Interfax ayaa sheegay in qiyaastii laba illaa shan nin “oo xiran dharka militariga, islamarkaana wata qoryaha darandooriga u dhaca,” ay fuliyeen weerarka.