Sarkaal sare iyo askar kale oo lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Shabellaha Hoose

Marka (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weeraro culus oo ay Al-Shabaab maanta ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaano dhaca dhanka xeebta ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa weeraradan usoo abaabushay si qorsheysan, waxayna kula dheel-matay xilli hore oo ay hurdayeen inta badan ciidamada ku sugnaa goobaha la weeraray.

Weerarka koowaad ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu qaaday saldhig ay ciidamada Boolis Milataaro ku lahaayeen deegaanka Jilib Marka, halkaas oo uu ka dhacay dagaal foolka fool ah, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada iyo xubnaha weerarka soo qaaday.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheega in weerarkaasi lagu dilay sarkaal sare oo lagu magacaabo Gaashaanle Liibaax Maxamed Cabdulle (Golcad), kaas oo kamid ah ciidamada boolis milataaro ee loogu talagalay sugida amniga Muqdishio agagaarkeeda.

Taliyaha ayaa waxaa la dhintay ku dhawaad 10 askari oo kale, kadib markii weerar toos ah iyo qaraxyo ay la beegsadeen xubnaha Al-Shabaab ee saaka soo weeraray.

Sidoo kale weerarka labaad ayaa isna lagu qaaday fariisin ay ciidanka Harmacad ku leeyihiin deegaanka Dhanaane, halkaas oo iyana lasoo wariyay inuu ka dhacay dagaal kale.

Al-Shabaab ayaa lasoo wariyay inay muddo kooban la wareegtay goobaha lagu dagaalamay, ayna dab qabadsiisay xerooyinka ciidamada ee ay la wareegtay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaanada lagu dagaalamay ee ay kusoo duuleen Al-Shabaab.

Ma jiro weli wa rasmi ah oo kasoo baxay dowladda oo ku aadan dagaalkaasi lagu dilay sarkaalka sare iyo qaar kamid ah askartii uu watay.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ciidamada boolis milataaro iyo kuwa gaarka ah ee Haramcad ay howlgalo ka waday duleedka magaalada Muqdisho.

Sanad kahor Al-Shabaab ayaa sidan oo kale weerar loo adeegsaday qarax ugu dishay taliyihii booliska gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole oo xilligaas oo howlgal ka waday inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye, gaar ahaan dhulka beeraha ee aagga Basra.