Nabadoonkii HARGEYSA ka yiri “Laftinagaa” oo gurigiisa lagu weeraray (Warbixin)

Hargeysa (Caasimada Online) – Goban Hoola oo ah oday dhaqameed ka tirsan qoomiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, kana soo jeeda deegaanka Tulama ayaa sheegay in amnigiisa uu ka walaacsan yahay, kadib markii ciidamo ka socda ismaamulka Oromia ay baaritaan ku sameeyeen hoygiisa, iyaga oo aan wax ogolaansho ah ka wadan maxkamadda.

Nabadoon Gaban ayaa lagu xasuustaa eraygii (Laftinagaa) wuxuuna bilo ka hor ka mid ahaa odayaal ka socda Itoobiya oo soo booqday Somaliland, balse dadka Soomaaliyeed ay aad u dhibsanayeen, maadaama qorshahoodii laga fahmay inay doonayaan qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Odagaan oo la hadlay BBC ayaa sheegay in ciidamada booliska ee Oromia ay hareereeyeen hoygiisa, iyagoo gudaha u galay qolkiisa jiifka, kadibna baaritaan culus ku sameeyey.

“Waxay gudaha u galeen qolkeygii jiifka iyaga oo u jeedkoodu ahaa in ay i dilaan, nasiib wanaag waan ka maqnaa guriga xilligaas, waxay qaateen shey aabaheey dhaxal ahaan ii siiyay, qoyskii oo dhanna way argagaxeen,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Madaxa Booliska magaalada Maqii ee Oromada ayaa beeniyay dhamaan eedaha uu soo jeediyay odey dhaqmeedkaan oo sheegay in la dili rabay, isagoo sheegay in gurigiisa aysan wax xabad ah ka dhicin isaguna uusanba meesha joogin.

Sidoo kale booliska ayaa ku dooday in maxkamadda ay fasax uga heysteen inay galaan guriga, isla markaana ay waayeen odaga qoyskiisana aysan wax dhibaato ah u geysan.

Goban Hoola ayaa lagu xasuustaa in uu sanadkaan bilowgiisa booqasho ku tagay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, isaga oo halkaas kulan kula qaatay odayaal dhaqmeed kale oo reer Somaliland ah.

Waxaa baraha bulshada hadal hayn wayn ka dhaliyay duco uu aqrinayay, taas oo eray ka mid ah uu ahaa “Laftinagaa” Dadka Soomaaliyeed ayaa aad u falanqeeyey eragaas, laakiin markii dambe waxaa la ogaaday inuu yahay duco lagu akhriyey afka Oromada.