Xasan Sheekh oo war culus kasoo saaray weerarka lagu hoobtay ee dalka Ruushka

Moscow (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa looga hadlay weerarkii Jimcihii ka dhacay magaalada Moscow ee caasimada dalka Ruushka, kaas oo lagu laayay illaa 40 qof, laguna dhaawacay 100 kale.

Weerarka oo ahaa mid argagixiso ayaa si gaar ah loola bartilmaameedsaday masrax uu ka socday bandhig faneed oo ku yaalla duleedka magaalada Moscow, kadib markii ay gudaha u galeen rag hubeysan oo rasaas ku furay hoolka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay aad uga xun yihiin weerarkaasi, isla markaana ay cambaareynayaan nooc kasta oo argagixiso.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in xilligan adag ay garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Ruushka oo khasaare xoogleh kala kulmay dhacdadaasi.

“Dowladda Soomaaliya xilligan adag waxa ay garab taagan tahay shacabka Ruushka, waxayna diiday dhammaan noocyada rabshadaha ee argagaxisada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Dableyda weerarka fulisay ayaa waxa ay soo xiratay dharka militariga waxayna kadib gashay dhismaha, ayaga oo furay rasaas xooggan isla markaana tuuray bam gacmeedyo, sida uu sheegay weriye ka tirsan wakaaladda wararka RIA Novosti oo ku sugnaa goobta.

Rasaasta ayaa kadib ku baahday hoolka xafladaha ee Crocus City ee xaafadda Krasnogorsk ee duleedka woqooyi ee Moscow, kaasi oo qaada kumanaan qof islamarkaana marti-geliyey heesaha fanaaniinta caalamiga ah.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in baaritaan “argagixiso” la billaabay, islamarkaana madaxweyne Vladimir Putin si joogto ah loola socodsiinayo xaaladda.

Dhinaca kale kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Dagaal-yahanada Daacish “ayaa weeraray isku imaatin ballaaran oo ka socday duleedka caasimadda Ruushka ee Moscow,” ayey kooxda ku tiri bayaan ay soo dhigtay barta Telegram.

Bayaanka Daacish ayaa lagu sheegay in dagaal-yahanada ay “si nabad ah ugu laabteen saldhigyadooda.”