Halkee la geeyay burcad badeeddii afduubatay markabka RUEN ee la qabtay?

Mumbai (Caasimada Online) – War cusub ayaa kasoo kordhay xaaladda burcad badeed Soomaali ah oo todobaadkii hore u gacan galay ciidamada badda Hindiya, kadib howlgal culus oo ka dhacay xeebaha bari ee maamulka Puntland.

Burcadda oo afduub ahaan u haysatay markab lagu magacaabo MV Ruen ayaa ugu dambeyn maanta la geeyay magaalada Mumbai, sida ay sheegeen ciidamada badda ee dalka Hindiya.

Markab nooca dagaalka ah oo lagu magacaabo INS Kolkata kooxdan geeyay magaalada Mumbai, kuwaas oo ay tiradoodu gaareyso illaa 35 burcad badeed ah.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay ciidamada badda Hindiya waxaa haatan brcad badeeddan lagu wareejiyay booliiska Mumbai, si xabsiga loo dhigo.

Sidoo kale waxaa bilaaban doonta maxkamadeyntooda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“INS Kolkata, oo ay la socdaan 35-ka burcad badeedda ah ee la qabtay, waxay gaareen Mumbai 23-kii Maarso, waxayna ku wareejiyeen burcad-badeedda booliiska maxalliga ah si ay u qaadaan tallaabo sharci oo dheeri ah oo waafaqsan sharciyada Hindiya, gaar ahaan sharciga ka-hortagga burcad-badeedda ee 2022,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay ciidanka badda Hindiya.

Howlgalka lagu soo qabtay kooxdan ayaa qaatay illaa 40 saacadood oo gacan ka hadal ah, waxaana fuliyey Markabka dagaalka ee INSSubhadra oo ay caawinayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa ilaalada ee aan duuliyaha lahayn.

Xilliga howlgalku dhacayey markabka ayaa ku sugnaa masaafo 1400 Nautical Miles u jirta xeebta badweynta Hindiya.

Markabka MV Ruen, ayaa waxaa laga leeyahay dalka Bulgaariya, balse ku gooshayey calanka dalka Malta, kaas oo burcad baddeed Soomaali ah ka soo afduubeen biyaha caalamiga ah dhammaadkii sanadkii 2023-kii.