Muxuu ra’isul wasaaraha cusub ee Ethiopia u ballanqaaday maamulka killinka shanaad?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa u guda galay booqashooyinka dhammaan Gobolada dalkaasi xili maalmo un ka hor loo dhaariyay xilka.

Abiy Axmed, oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay inuu booqan doono dhammaan Gobolada dalka, si xal loogu helo xiisada sababta ka taagan Gobolada qaar.

Abiy Axmed,waxa uu sheegay inuu ku nagaan doono magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, isla markaana uu booqan doono dhulka Oromada si xal loogu helo xiisada ka dhexeysa shacabka labada maamul.

Waxa uu Ra’isul wasaare Abiy Axmed tilmaamay isla markaana ballanqaaday in shacabka dhulka Soomaalida Ethiopia ay yeelan doonaan xuquuq Siyaasadeed,mid amni iyo dhaqaale oo aad uga duwanaan doonta kuwii hore.

Mr Abiy Axmed, ayaa sheegay in ila gaara uu ku eegi doono shacabka DDSI, isagoo cod dheer ku sheegay inaan la dayici doonin dhammaan rajooyinkooda ku aadan horumarka.

Abiy Axmed, ayaa sidoo kale sheegay in shacabka DDSI uu uga wanaagsanaan doono maamuladii ka horeeyay, hase ahaatee waxa uu ballanqaaday inay la imaan doonaan isbedel dhanka maamulada Gobolada.

Sidoo kale Abiy ayaa booqan doona deegaanno kale oo dalka Itoobiya ah ka hor inta aanu soo magacaabin golahiisa wasiirada.

Si kastaba ha ahaatee, Abiy Axmed ayaa xilkaan loo doortay kadib markii uu is casilay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com