Ducaale oo u digay dhinacyada caqabada ku ah amniga iyo xasiloonida dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Abuukar Isloow, ayaa shaaca ka qaaday inay waxbadan ka bedeli doonaan amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Wasiir Ducaale, ayaa carab dhabay in isbedelkaasi uu waxbadan ka bedeli doono xaalada uu ku jiro dalka, si buu yiri loo helo jawi degan.

Waxa uu tilmaamay in dowlada federaalka aysan ka aamusi doonin cidwaliba oo dhibaato ku heysa amniga dalka, sidaa aawgeed ay la imaan doonaan isbedel muuqda.

Waxa uu Wasiir Ducaale, carab dhabay inay qaaden mas’uuliyada amni ee dadka shacabka ah,sidaa aawgeed ay qaadi doonaan talaabo waliba oo lagu cuuryaaminaayo maleeshiyaadka lidka ku ah xasiloonida dalka.

Waxa uu intaa raaciyay in dadka shacabka ah laga doonaayo inay la imaadan isbedel lamid ah kan ay sameynayaan, si buu yiri loo helo jawi wada shaqeeneyd.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada amaanka dalka ayaa maalmahaani ku jira heegan si looga gaashaanto dhagar waliba oo ka imaankarta dhinacyada kasoo horjeeda xasiloonida dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com