Maxaa la gudboon madaxweyne Farmaajo iyo dadka Soomaaliyeed?

Maanta waxaa ka soo wareegtay Mooshinkii Gudoomiye Jawasri 25 maalmood oo dadku cabsi iyo wel wel ku jiray, kadib markii ay isku dhaarteen laba garab oo ka wada tirsan Golaha Shacabka. Group A ayaa ku dhaartay in ay ridayaan Gudoomiye Jawaari qiima kasta oo ay ugu kacdo, Group B ayaa iyaguna wacad ku maray in ay difaacayaan Jawaari qiima kasta oo ay ugu kacdo.

Arintaas ayaa wel wel iyo cabsi ku abuurtay dadka Somaaliyeed iyo dawladaha daneeya arrimaha Somaaliya Waxaana cabsida sii kordhiyey kadib markii la xiray jidadka Caasimada, heegana la geliyey ciidamada dawladda, shirkii Barlamaankuna 3 mar la baajiyey, M. Farmaajo na soo fara geliyey, uuna baajiyey shirkii 31 dii bishii hore, markii talo laga diiday, 4 tii bishaan oo dib loogu baaqay hub iyo xoog lala soo galay Xarunta Barlamaanka lkn ciidamada dawladda ayaa si xikmad leh u baajiyey Xabbad, Xildhibaan iyo Xasaanad isku dhaca.

Maanta ayuu mar kale baajiyey Madaxweyne Farmaajo Shirka Golaha.

Welina waxaa jira cabsidii iyo culeyskii saarnaa dadka iyo dawladda ee maxaa la Gudboon Madaxweynaha iyo Dadweynaha?

A-Madaxweynuhu waa; Astaanta Qaranka, Ilaaliyaha koowaad ee Dastuurka iyo Shuruucda dalka, Madaxa iyo Awooda ugu sareysa Hay’adaha Dawkadda, Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka sida, Xiriiriyaha koowaada ee Dalka iyo Dunida, Difaacaha koowaad ee Calanka, Midnimada, Xuduudaha iwm.

Hadii Dalku galo xaalad cabsi iyo wel wel leh, loona cabsado amniga, hay’adaha dawladda, midnimada, sharafta, faragelin ajnabi iwm. Waxaa Madaxweyna waajib ku ah in uu qaato go’aan kasta oo lagu badbaadinayo dalka, dadka iyo ha’adaha dawladda. Waxaana u banaan Madaxweynaha:

1-In uu soo rogo xaalad deg deg ah.

2-In uu Barlamaanka mudo xiro.

3-In uu awood sharciga waafaqsan ku soo celiyo nidaamka iyo kala danbeynta.

4-In qofkii denbi gala uu xasaanada iyo xilka ka qaado.

5-In uu ka hor tago fawda kasta oo looga cabsado in dalku dib ugu laabto.

Arinta Barlamaanka waxaa xirmay dhammaan albaabadii dibadda iyo gudaha ee waan waanta iyo fara gelinta, waxeyna arintu kusoo aruurtay labada garab ee Xildhibaanada Golaha iyo Madaxweynaha, waxaana u furan Madaxweynaha in uu ku qanciyo Gudoomiye jawaari in uu is casilo ama uu amro in ay si nabad ah ku codeeyaan Xildhibaanadu ama uu awoodiisa adeegsado.

B-Dadka waxaa la gudboon mar hadii xaaladu gaarto cabsigelin, waxey ila tahay, anaa gar leh iyo jaah-wareer in amarka iyo go’aanada laga qaato Madaxweynaha kaliya, Imaam waxaa loo sameeyaa in la raaco lagana amar qaato si looga baxo khilaafka, fawdada, tala xumida iyo Cali gar leh, Caydiidna gar leh.

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)