Kenya oo la ciirciireysa sare u kac dhuxusha iyo qeyla dhaan soo yeertay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sare u kac ballaaran xilligaan laga dareemayaa qiimaha la kala siisto dhuxusha ee suuqyada magaalada Garissa, ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya taasi oo saameyn ku yeelatay qoysas badan.

Qiimaha sareeya ee dhuxusha ayaa imaaneysa iyadoo Madaxweyne Ku xigeenka dalka Kenya Mr William Ruto uu ku amray wasiirka wasaarada degaanka Mr Keriako Tobiko in uu wax ka qabto xaalufinta lagu hayo dhirta taasi oo saameysay degaanada.

Arrintani ayaa loo sababeynayaa abaaraha wadanka ka jira iyo degaannada gobolka oo noqday kuwa la xaalufiyay sidii dhirta inta looga jarayay kadibna loo gubayay si dhuxul ahaan loogu isticmaalo iyo sidoo kale wasaarada deegaanka Garissa oo culays saartay dadkii ka ganacsanayey soo shidida dhuxusha iyo meelihii laga soo shidi jiray oo fogaaday.

Wasiirada deegaanka iyo tamarta, ee Ismaamulka Garissa ayaa Shaacisay dhibaatada ugu wayn ee Wasaaraddaasi ka haysatay Jaridda Dhirta loo isticmaalo Dhuxusha, taasoo bulshada inteeda badani u isticmaasho karinta Cuntada.
Haboon Adan macalim ayaa xustay in saameynta isticmaalka dhuxushu ku keenayso deegaanka xaalufin, iyo cara guur ba’an, islamarkaana ay tahay waxa ugu wayn ee deegaanka ku keenaya burburka.

Mar Su’aal aan ka weydiinay wasiirada qaabka ay uga hor-tagaan ama bulshada uga wacyigeliyaan isticmaalka dhuxusha iyo jarista geedaha, waxaa ay ku jawaabtay; “in Wasaaradda deegaanku ay masuuliyiinteedu wadaan dadaal badan, oo ay u baxaan wacyigelin iyo ilaalinta Deegaanka, intaasi waxaannu u soconnaa inaannu dadka ka dhaadhicinno muhiimadda ay deegaanka u leedahay Dhirtu iyo Khasaaraha ka dhalan kara haddii la jaro ayay tiri.”

Wasiirada oo dhanka kale aan weydiiyey haddii la joojiyo isticmaalka Dhuxusha iyo Xaalufinta Geedaha waxaa loo beddelayo Dhuxusha, ayaa waxa ay tidhi“Waxaannu haynaa beddelka isticmaalka dhuxusha oo waa geedka madengaha oo isagu dhibaato ku hayo deegaanka kuna filan in loo isticmaalo dhuxusha markii ay si fiican u daraaseeyeen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com