Muxuu Rooble ka yiri go’aankii madaxweynaha HirShabelle?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan dhammeystirka doorashooyinka, isagoo fariin u diray HirShabelle & Jubbaland.

Rooble ayaa sidoo kale soo dhoweeyey tallaabada uu qaaday madaxweyne Guudlaawe oo xilka qaadis ku sameeyey guddoomiyihii SEIT ee maamulkaasi, Mudane Axmed Xasan Diini.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub Maxamed Xuseen Maxamed ee la magacaabay, sidoo kalena wuxuu faray guddiyada doorashada inay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada doorashooyinka ee ay horey u gaareen Golaha Wadatashiga.

“Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u hambalyaynayaa Maxamed Xuseen Maxamed oo xubin ka noqday Guddiga Doorashada ee Hirshabelle kaas oo badalaya Axmed Xasan Diini, waxa uuna farayaa dhamaan Guddiyada doorashooyinka in ay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada Doorashada ilaaliyaanna kala danbaynta,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Sidoo kale Rooble oo Taleefanka kula xiriiray madaxweynaha HirShabelle ayaa kala hadlay muranka hareeyey doorashada kuraasta Beledweyne iyo tartanka inuu noqdo mid furan.

“Ra’iisul Wasaaraha oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxwaynaha Hirshabeelle Ali Gudlawe Hussein ayay ka wada hadleen in kuraasta Xildhibaannada ee taalla Baladwayne loogu tartamo si furan isla markaana aan shaqsi gaar ah loo xirin” ayuu sii raaciyey Rooble.

Dhanka kale ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka dalbaday maamullada Jubbaland iyo HirShabelle inay dhammeystiraan doorashada Golaha Shacabka Somalia.

“Ugu danbayn Ra’iisul Wasaaraha XFS waxa uu ku boorrinayaa Madaxda Jubaland iyo Hirshabeelle in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo dhammaystiraan Kuraasta Golaha Shacabka ee harsan,” ayaa lagu soo gabagabeeyey warsaxaafadeed uu soo saaray Rooble.

Doorashada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib u dhacday waqtigii lagu ballamay in lagu soo gabagabeeyo, waxaana ay aheyd 15-kii bishaan March ee sanadka 2022-ka.