Deni ma u tartami karaa xilka madaxweynaha Soomaaliya isaga oo aan is-casilin?

Garoowe ( Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya kadib muddo badan oo uu warkaas suuqa ku jiray.

“Waxaan rabaa inaan dadka reer Puntland iyo dadka Soomaaliyeedba u sheego in aan u taaganahay qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya. Waxaan halkan baaq uga diraya dhammaan Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya in ay ku midoobaan in maamulka hada jira la bedelo,” ayaa ka mid ahaa erayada khudbaddii uu Deni ku shaaciyay go’aankiisa.

Su’aasha ugu badan oo hadda ay dadka is waydiinayaan ayaa ah Saciid Deni ma u tartami karaa xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, isaga oo aan iska casilin xilka madaxweynimo ee Puntland marka la fiiriyo sharciga u yaalo maamul Goboleedka Puntland?

Faarax Aw Cismaan oo wax badan ka qoray arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan xaaladaha Puntland ayaan weydiinay haddii uu Saciid Deni u tartami karo xilka madaxweynimo ee Soomaaliya isagoo weli ah madaxweynaha Puntland.

“Dastuurka Dowlad Goboleedka Puntland kuma qorna in qofka xilka haya haddii uu xil kale oo ka sarreeya u tartamayo inuu is casilo oo uu xilkan wareejiyo, meel ay ku qoran tahay ma jirto” ayuu yiri Faarax.

Wuxuu kaloo hadalkiisa sii raaciyey “Dowladdii Cabdullaahi Yuusuf, markii uu tartamayay isagoo madaxweyne ka ah Puntland ayuu ku tartamay kaddib markii uu guuleystay ayuu iscasilay.”

Lama oga haddii sharuudaha xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ay guddiga doorashada kusoo dari doonaan inuusan xilka madaxweynimo u tartami karin cid xil kale heyso.

Deni oo kamid ah siyaasiyiinta sida weyn u dhaliishan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa hadda ku biiray liiska tobanaanka musharrax ee doonaya inay hantaan Villa Somalia.