29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 21, 2025

Xog: Muxuu salka ku hayaa khilaafka sababay inuu xirmo suuqa weyn ee Bakaaraha?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –Ganacsatada waaweyn ee suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa ka hor yimid qorshe uu watay maamulka gobolka Banaadir oo ku soo rogay canshuur dheeraad ah.

Ganacsatadaan oo ah kuwa dalka dibaddiisa ka keena agabyada kala duwan ayaa ka cabanaya lacago bille ah, oo uu kusoo rogay maamulka Gobolka Benaadir, lacagahaas oo ay ku doodayaan in aan xaq loogu laheyn.

Ganacsatada ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ay siiyaan canshuurtii xaqa loogu lahaa, isla markaana aysan awoodin lacagaha dheeraadka ah ee maamulka gobolka Banaadir uu raadinayo.

Xasan Cabdi oo ka mid ah ganacsatada ugu waaweyn suuqa Bakaaraha ayaa in gobolka Banaadir uu ganacsatada waaweyn ku soo rogay lacag xad-dhaaf ah.

“Canshuurta uu rabo gobolka Banaadir waxaa lagu leeyahay ganacsatada tafaariiqda iibisa iyo waratada (ganacsiyada yar yar) maamulka gobolka waan kala fariisanay arrintaan, waxaan u sheegnay in canshuurtii nagu waajibtay ay wasaaradda maaliyaddu naga qaaday, waana isku fahmi weynay arrintaas,” ayuu yiri ganacsade Xasan Cabdi.

Sidoo kale ganacsatda ayaa sheegay inay leeyihiin maamul lagala xaajoo karo arrimaha ku saabsan ganacsiga iyo canshuuraha oo ah Rigta Ganacsatada Soomaaliyeed, taas oo loo baahan yahay in lagala hadlo qorshaha uu wato maamulka gobolka Banaadir.

“Waxaa maamul noo ah rugta ganacsiga, wixii amar ah oo ka soo baxa rugta ayaan fuli karnaa inagu, marka waa in maamulka gobolka Banaadir uu la fariisto maamulka rugta ganacsatada Soomaaliyeed, kana dhaadhiciyo sida uu wax u rabo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ganacsade Xasan Cabdi oo la hadlay Idaacadda VOA.

Dhinaca kale, dhaqaale yahannada ayaa ku doodaya in sharuucda canshuuraha ee lakabyada dowladda oo aan kala caddeyn ay sabab u yihiin arrinkaan taagan.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa taagnaa khilaaf culus oo ka dhex qarxay maamulka gobolka iyo ganacsatada suuqa Bakaaraha, kuwaas oo iyagoo shalay banaanbaxaya ay Shabaab qarxiyeen, welina xal lagama gaarin khilaafkii sababay suuqu xirmo.

- Advertisement -

Read more

Local News