Muxuu Sheikh Zayed u ballan-qaaday Xasan Sheekh?

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan ayaa xaqiijiyay taageerada joogtada ah ee aan waxba laga kala reebin ee Imaaraadka Carabta ay siiso dadka Soomaaliyeed si ay ugu guuleystaan hammigooda horumarineed, xasillooni, barwaaqo iyo dhisidda mustaqbal wanaagsan oo shacabkooda ay helaan. 

Sheikh Zayed ayaa hadalkan sheegay markii uu shalay Qasriga Al Shati’ ee Abu Dhabi ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Imaaraatka Carabta ayaa soo dhoweeyay booqashada hoggaamiyaha Soomaaliya, wuxuuna ugu hambalyeeyay xilka madaxtinimo ee Soomaaliya ee uu la wareegay, isagoo u rajeeyay inuu ku guuleysto hoggaaminta dalkiisa iyo ka miro-dhalinta himilooyinka shacabkiisa ee ku aaddan xasilloonida, horumarka iyo nabadda. 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isna muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay mowqifka taariikhiga ah ee Imaaraadka uu ku garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed, isagoo uga mahad celiyay dareenka diiran ee Sheikh Zayed uu u muujiyay shacabka Soomaaliyeed. 

Kulanka ayaa looga hadlay dardar gelinta iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dhinacyada horumarka, iyadoo labada dhinac ay ka wada-hadleen dadaallada loogu jiro nabad ka dhalata Soomaaliya.

Sheekh Maxamed ayaa xaqiijiyey in Imaaraadka ay ka go’an tahay inay shacabka Soomaaliyeed ka taageeraan dadaallada dowlad dhisidda ee ku wajahan mustaqbal nabadeed iyo xasillooni, isagoo carabka ku adkeeyay sida Imaaraadka ay u doonayaan inay xoojiyaan dadaallada ay dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha dowladda eek u aadan dhinacyada dhismaha, horumarka iyo xasilloonida.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Imaaraadka Carabta ay si gaar ah u ballan-qaadeen inay Soomaaliya ka taageeraan dhinaca amniga, iyo sidii looga adkaan lahaa kooxda Al-Shabaab, waana taas sababta uu kulanka qeyb uga ahaa agaasimaha NISA Mahad Salaad. 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in uu rajaynayo in uu ka shaqeeyo horumarinta iskaashiga Imaaraadka iyo Soomaaliya ee dhinac walba ah iyo sidii uu uga qeyb qaadan lahaa horumarinta xasilloonida iyo amniga gobolka.