DHAGEYSO: Nin isaga oo maqan ay dil ku xukuntay PUNTLAND oo soo hadlay – sheegay arrimo yaab leh

Boosaaso (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Saciid oo ku magac dheer (Laahoor) oo shalay ay maxkamadda ciidamada Puntland ku xukuntay dil toogasho ah, isagoo maqan, ayaa ka hadlay xukunkiisa, wuxuuna sheegay inuu diyaar u yahay inuu hor yimaado hey’adaha garsoorka, gaar ahaan maxkamadii xukuntay.

Cabdiraxmaan Laahoor oo shan ku ahaa rag lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin ururada Al-Shabaab iyo Daacish, ayaa iska fogeeyey eedeyntaas, wuxuuna la soo xiriiray oo wareysatay Idaacadda VOA, isagoo ku sugan tuulo ka tirsan gobolka Bari.

Wuxuu sheegay in dhowr jeer oo hore loo xiray tuhuno la xariira inuu ka tirsan yahay kooxahaas, balse la iska siidaayey markii lagu waayey wax cadeymo ah, hase yeeshee haatan uu ku maqan yahay miyiga oo hooyadiis ay ku xanuunsan tahay.

Cabdiraxmaan Laahoor wuxuu sheegay in shaqadiisa ay aheyd kaari gaadiidka ka rara busteejo ku taalla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, isagoo la yaab ku tilmaamay xukunka lagu riday iyo eedeymaha loo heysto.

Guddoomiyaha maxkmadda ayaa ninkaas magaciisa ku sheegay Cabdiraxmaan Ciise Axmed Laahoor, hase yeeshee isagu waxa uu magaciisa ku sheegay Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Siciid oo loo yaqaan Laahoor.

“Waxaan ahay nin shacab ah oo lagu xukumay dil, cadaalad xumo ayaa la igula kacay, waxaan u dhashay gobollada Puntland, kama mid ihi Al-Shabaab iyo Daacish, si toos ah iyo si dabdab midna ulama shaqeeyo, banaanka ayaan ka ahay,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Laahoor ayaa meesha ka saaray inay jirto cid la soo xiriirtay ama uga yeertay maxkamadda xukunka ku riday, “Hada waxaan diyaar u ahay inaan sharciga hor imaado, si cadaaladeyda loo sugo,” ayuu yiri.

Wuxuu shaaciyey in seddax jeer la xiray, iyadoo loo heysto eedeymo noocaan ah, balse wax dembi ah lagu waayey, ninkaan ayaa tilmaamay tuulada uu ku nool yahay oo hooyadiis oo xanuunsan uu ku haayey mudo 8 bilood ah.

“Waxaa ii qorsheysan inaan deg deg u imaado Boosaaso, oo ah halka ay joogaan ragga I xukumay, 1986-kii ayaan Boosaaso ka bilaabay shaqo kaari ah, leesin ayaan dowladda ka heystaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Laahoor.

Wuxuu sheegay in adeega internetka uusan isticmaalin, balse dad ka soo wacay Boosaaso ay u sheegeen in dil lagu xukumay, isagoo sheegay in ragga ku marqaati furay ee lala xukumay uusan garaneyn.

Hoos ka dhageyso wareysiga