Muxuu wasiirkii hore ee gaashaandhiga ka yiri arrinta amniga iyo ciidamada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka hadlay xaaladda cakira ee dalka, gaar ahaan dooda ka dhalatay arrinta amniga iyo sidoo kale ku milanka ciidanka ee arimaha siyaasada.

Cabdirashiid oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa shaaca ka qaaday in la siyaasadeedeyey amniga guud, isla-markaana ay saameysay doorashada iyo awooda ra’iisul wasaaraha.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga ayaa intaasi ku sii daray in kaliya ra’iisul wasaaraha lagu wareejiyey qeyb ka mid ah amniga, siiba kan doorashada, isla-markaana laga heesto amniga qaranka, ayada oo laga leeyahay dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii amnigii guudba la siyaasadeynayo ciidamadii iyo wixii dhan ra’iisul wasaaruhu awood u laheyn qayb ka mid ah amniga qaranka oo amniga doorashooyinka kaliya haddii loo igmaday amnigii kale ayaa gacanta looga heestaa dano kalaana laga leeyahay waxa looga reebtay taas ayaa keeneysa in ra’iisul wasaaraha uu codsado ama uu soo jeediyo in amniga guud lagu soo wareejiyo ,” ayuu yiri Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrimaha ciidamada wuxuuna sheegay in laga gaabiyey in la sameeyo isku dhafka sax ah, balse taasi beddalkeed la dhisay ciidan gaar ah, si loogu adeegsado siyaasadaha is diidan iyo fulinta dano shaqsiyeed intaba.

Wasiir hore Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa xusay in arrintaasi laga dhexlay in ciidamada iyo saraakiishoodaba ay ku milmeen arrimaha siyaasadda ee dalka.

“Ciidamo gaar ah oo Gorgor, Duufaan iyo Haramcad loo bixiyey oo dano siyaasadeed laga leeyahay ayaa laga barbar sameeyey ciidanka Xoogga dalka ama afartii waaxood ee ciidanka qalabka sida ee dalka, taas waxa ay keentay in siyaasadda ay ku kuilmaan ciidamada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiirkii hore ee wasaaradda Gaadhaandhigga.

Maalmihii u dambeeyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u xusul duubayey inuu la wareego mas’uuliyadda ammaanka guud ee dalka, balse waxaa ka hor taagan madaxda dowlad goboleedyada taabacsan Farmaajo, waxayna hadda doodaasi saaran tahay miiska shirka golaha wadatashiga qaranka, inkastoo la dhaqaaji waayey.

Dooda Rooble ee ah inuu Farmaajo laga wareejiyo masuuliyadda ammaanka guud ee dalka ayaa hadda u muuqata mid sii dhimaneysa, waxaana aad looga dooday shalay, ayada oo maanta la isku deyey in xal laga gaaro cabashadii ka soo laabatay kuraasta dooran ee golaha shacabka, balse ilaa hadda wax la isku fahmay lama shaacin.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii