Daawo: Ciidanka amniga oo weeraray guri Muqdisho ku yaal oo lagu beero daroogada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada booliska saldhigga degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa xalay howlgallo ay ka sameeyeen xaafadda Tookiyo ee degmadaas, waxay ku soo qabteen waxyaabaha maanka-dooriya iyo dad la sheegay inay ka ganacsan jireen.

Taliyaha saldhigga booliska degmada Howlwadaag Najiib Cabdi ayaa warbaainta dowladda u sheegay in ciidamadu ay howlgal qorsheysan ku fashiliyeen guri lagu dhex-beeri jiray maan-dooriyaha Xashiishka.

Sidoo kale muuqaallo laga soo duubay gurigaas ayaa muujinaya Fuustooyin lagu qasi jiray maan-dooriyaha Calaqa oo cidanku ay gacanta ku dhigeen.

Taliye Najiib ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan dadkii beertay ee ka ganacsan jiray maan-dooriyahaas, sidoo kale xogta lagu fashiliyey shabakadaan ayuu sheegay inay ka heleen dadka deegaanka.

“Ciidamada oo gacan ka helay bulshada deegaanka waxaa u suurtagashay in gacanta aan ku soo dhigno waxyaabaha Maanka-dooriya iyo dhirta Xashiishka oo lagu beeray, mid kamid ah dhismayaasha xaafadda Tookiyo oo dhirtaas lagu dhex-beeray ayaan sidoo kale ku qabanay haaman lagu karkarinayay Maan-dooriyaha Calaqa,” ayuu yiri Taliye Najiib Carab.

Taliyaha ayaa aad ugu mahadceliyay dadweynaha ku nool dagmada Howlwadaag, gaar ahaan xaafadaas caawa lagu qabtay mukhaadaraadka ee Tookiyo, waxuu sheegay in deriska gurigaas ay fashiliyeen Maan-dooriyihii lagu diyaari jiray halkaas.

Hoos ka daawo muuqaal laga soo duubay guriga

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii