Wararkii ugu dambeeyey ee shirka Muqdisho iyo Musharixiinta oo ku biirayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo u dhexeeyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, madaxda maamul goboleedyada dalka iyo duqa magaalada Muqdisho.

Shirka oo galay maalintii lixaad ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladaha taagan, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka.

Wararka ayaa sheegaya in maanta shirka u socda Golaha Wadatashiga Qaran ay ku biirayaan Golaha Musharixiinta, si looga dhageysto tabashadooda ku aadan doorashada.

Kulankan ayaa waxaa la filayaa in lagu soo afjaro cabashooyinka laga soo gudbiyey qaabkii ay u dhacday qaar ka mid ah doorashada kuraasta Golaha Shacabka Soomaaliya.

Afhayeenka xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macallimuu oo qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in shirka lasoo gabagabeyn doono maalmaha soo socda, isla-markaana ay kasoo bixi doonaan go’aano wax ku ool ah oo lagu wajahayo xiisadda culus ee taagan.

Golaha Wadatashiga Qara ayaa ballaariyey shirkooda, wuxuuna qaatay maalmo badan, kadib markii la’isku mari waayey qodobada qaar, sida arrinta amniga oo weli taagan.

Sidoo kale Golaha ayaa horay ula shiray Wakiilada Beesha Caalamka iyo Bulshada Rayidka ah oo ay ka dhageysteen talooyinkooda ku aadan xaaladda uu haatan marayo dalka.

Si kastaba, shirweynahan ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay taagan tahay xiisad u dhexeyso Farmaajo iyo Rooble oo isku qabtay hannaanka doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii