Daawo: Muxuu Faroole ka yiri is-mari waaga shirka Xamar?

Boosaaso (Caasimada Online) – Senator Cabdiraxmaan Faroole oo ka hadlay is-mariwaaga shirka golaha wadatashiga qaranka ee Muqdisho ka socda ayaa sheegay in wax aad u yar la isku mari la’yahay, isagoo fariin u diray madaxda.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in amni laga doodaayo aan intaan kadib dalka loo sii xayiri karin, isagoo yiri, “Qoladii aan ammaankeeda suga karin, anaga hanoo yimaadeen, inagaa u sugeynee, yaa awal noo sugi jiray ammaanka?.”

Faroole oo sii hadlayey ayaa yiri, “Amni wax lagu daaho maahane, qoladiina Xamar ku shireysa naga soo dhameeya howsha, Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha waxaan leeyahay wax aan waxba tareyn umadda yaan loo xayirin.”

Sidoo kale Faroole oo fariin u diray madaxda dowlad goboleedyada ayaa ugu baaqay in aysan isku mashquulin soo saarashada madaxweyne u fariista Villa Somalia.

“Maamul goboleedyada waxaan leeyahay nina yuusan ninka kale ka eexan, cidna madaxweyne kama dhigi kartaan, Alle ayaa madaxweyne noo dooraya ee taas xisaabta ku darsada, Ilaahey quluubtiina ha isku soo jeediyo,”ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole.

Shirkii maanta ee golaha wadatashiga qaranka intiisa badan waxaa looga wada hadlay tabashada kasoo laabatay kuraastii la doortay ee xubnaha Golaha Shacabka, waxaana  la sheegay in madaxda ay isfaham badan ka gaareen ajendihii maanta.

Kulan kale oo madaxdu ay yeelaneyso Axdda berri ayaa la filayaa in lagu soo afjaro cabashooyinka laga soo gudbiyey qaabkii ay u dhacday doorashadii qaar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Hoos ka daawo Faroole

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii