Sababaha uu FARMAAJO u diidan yahay in la celiyo lacagta Imaaraadka Carabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay sii daayey qoraal ku socday guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya. Wuxuu u sheegay inaan la bixin karin lacagtii 9-ka Malyan aheyd ee Imaaraadka Carabta looga qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Farmaajo wuxuu ku celiyey in lacagtaas ay sharci darro kusoo gashay dalka iyadoo la rabay in wax loogu dhimo amniga iyo xasiloonida Dalka.

Wuxuu isagoo Rooble u jawaabayo yiri Farmaajo “Hal Mas’uul go’aan kama gaari karo in lacagtan la bixiyo”.

Bishii April ee sanadkii 2018, sii hayihii xilka taliyaha NISA Jaamac oo hadda ah wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa lacagtaan ku qabtay Garoonka Aadan Cabdulle. Waxaa la sheegaa inuu diyaaradda fuulay si uu lacagta iyo dadkii saarnaaba ula dago.

Jaamac xilligaas waxaa la xasuustaa in dad siyaasiyiin ah uu xukuumaddii ka tirsanaa kula taliyeen in Imaaraadka lagu amro in lacagtooda ay la noqdaan, laakiin waa diiday iyadoo dhinaca kale ee arrintaasi ka faa’ideysteen xubnihii Farmaajo ku dhawaa ee u shaqeenayey Dowladda Qatar, maadaama uu jiray khilaafkii Khaliijka.

Farmaajo Xalay sooma uusan hadal qaadin raali gelintii uu Rooble sheegay inuu siiyey Imaaraadka, taasoo ka dhigan inaysan Imaaraadka helin raali gelinta ay Dowladda Soomaaliya ku mideysan tahay. Sidoo kalana mar kale ayaa loo diiday inay lacagtooda qaataan.

Tani waxay ka dhigan tahay inuu khilaafkii halkiisii ka miisan yahay.

Haddaba muxuu Farmaajo u diidan yahay in lacagta Imaaraadka la celiyo?

Xubno ku dhow dhow madaxweyne Farmaajo oo aan la hadalnay waxay sheegayaan inuu madaxweynaha aaminsan yahay in la rabo in lacagtaan si shakhsi ah looga qaato Imaaraadka oo ay qeyb ka rabaan qaar kamid ah madaxda maamulada oo Ra’isulwasaaraha ku dhow dhow waayadaan.

Waxay kaloo kooxda madaxweyne Farmaajo ku doodayaan in xilli doorasho tallaabo noocaan ah la qaado inay fahmi karaan waxa loola jeedo.

Waxay ku adkeyteen inuu cilaaqaadka sidiisa si iahaan doono lacagtaan ay wareejin doonto Dowladda dhallan doonto ee Soomaaliya.

Sidoo kale, kooxda madaxweyne Farmaajo waxay ku doodayaan in cidda raali gelinta mudan inay tahay Soomaaliya, maadaama Dalkeeda lasoo geliyey lacag farabadan si loo dhibaateeyo. Laakiin lama caddeyno karo in lacagtaas dhibaateyn loo waday.

Imaaraadka waxay horey u sheegeen in lacagtaasi ay u socotay safaaradooda ku taalo Magaalada Muqdisho oo ay rabeen in lagu taageero arrimaha uu Imaaraadka xilligaas ka waday Soomaaliya.

Dhowr jeer oo hore oo ay Itoobiya isku dayday inay dhex-dhexaadiso Farmaajo iyo maamulka Imaaraadka waxaa arrinta adkeeyey dhinaca Imaaraadka oo dalbaday in Soomaaliya ay bixiso raali gelin rasmi ah, balse dhanka Soomaaliya waxaa la sheegay inay arrintaasi ka cago jiiday.

Kooxda madaxweyne Farmaajo waxay ku doodayaan in arrinta aysan u fududeyn sida uu Ra’isulwasaare Rooble u dhigay oo ay Soomaaliya mar walba diidaneyd inay bixiso raali gelin rasmi ah.

Farmaajo raali gelin iyo lacag celin labadaba ma ogola inta lagu jiro marxaladda doorashada, taasoo dhinaca kale u muuqata dan siyaasi ah oo isaga ku kooban.