Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay guddoomiye Mursal?

Garoowe  (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa maanta la kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankan ayaa looga hadlay arrimo xasaasiya, kuwaasi oo ku qotoma marxalada dalka uu marayo iyo  arrimaha doorashooyinka oo muran baahsan uu ka taagan yahay.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah uga wada-hadlay xiisada ka dhalatay doorashada ee u dhaxeysa madaxda dowladda federaalka iyo musharaxiinta mucaaridka oo iyagu qaadacay guddiga doorashada ee gadaal ka riixayso dowladda.

Kulankaan ayaa sidoo kale qeyb ka ah kulamo saacadihii u dambeeyay ka socday Garoowe, kaasi oo ay labada mas’uul si gooni-gooni ah ula kulmeen madax kala duwan oo ka qeyb-gashay madasha aragti wadaaga ee Machadka Heritage oo markii u horeysay ka qabsoomtay caasimada Puntland ee Garoowe.

Waxa uu kusoo aadayaa xili ay meel xasaasi ah mareyso xiisada doorashada, taasi oo u dhaxeysa madaxda dowladda iyo mucaaridka, iyada oo labada dhinac ay kala magacaabeen guddiyo doorashada ka shaqeynaya.