Banaadir oo qaaday koobka tartanka ciyaaraha gobollada ee ka socday MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Tartanka ciyaaraha dowlad goboleedka dalka iyo gobolka Banaadir ayaa maanta lagu soo gaba-gabayeey magaalada Muqdisho, kaasi oo uu ku guuleystay xulka gobolka Banaadir.

Ciyaarta kama dambeysta ee tartankaasi oo soo afmeeratay goordhoweyd ayaa waxay labad kooxood soo bandhigeen daadal xoog leh iyo ciyaar wanaag, iyada oo markii hore ciyaartu ku dhamaatay barbaro 2-2 ah.

Rigoorayaal loo dhigay labada xul ayaa waxa guusha ku hantiyey xulka Banaadir oo dhaliyey 3-gool, halka dhigooda Galmuudg uusan dhalin gool, iyada oo rigoorayaal ciyaarta wax ka badeli lahaa uu qabtay gool hayaha xulka Banaadir, Hanad.

Tartankan maanta lagu soo afmeeray magaalada Muqdisho ayaa waxa hore ugu haray xulalkii ka socday dowlad goboledyada Hirshabelle,Koofurgalbeed, Puntland iyo Jubbaland.

Si kastaba, tartanka sanadkan ee maamulada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa lahaa xiiso gaar ah, iyada oo si weyn looga hadal hayey dal iyo dibedda, gaar ahaan ciyaartii maanta oo xamaasad gooni ah laheyd, maadama ay aheyd finalka tartanka.