Cabdiraxman Faroole oo ka hadlay tallaabadii uu qaaday madaxweyne FARMAAJO

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladda goboleedka Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo qeyb ka ahaa madaxdii ka qeyb gashay madasha aragti-wadaaga Heritage ee ka furmay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay dastuurka KMG ah ee dalka.

Senator Cabdiraxmaan Faroole ayaa ugu horeyntii sheegay inay muhiim tahay in madaxweynuhu uu aqoonsado waxa uu xaqa u leeyahay iyo wuxuusan u laheyn, taasi oo u muuqata inuu kaga soo horjeedo tallaabo uu dhawaan qaaday madaxweyne Farmaajo, taasi oo uu wax ka bedel ugu sameeyay Dastuurka.

Waxa kale oo uu sheegay in isla xisaabtankii uu lumay, isagoona eedeyn culus u jeediyay xukuumadda oo golaha wasiirada kusoo dartay xildhibaano badan oo ka tirsan golaha shacabka, kuwaasi oo meesha ka saaray la xisaabta xukuumadda.

“Baarlamaanka raga ku jiray ee wasaaradaha kamid noqday waa inay mar wasaaradda ka codeyn, marka kalana aysan codeyn baarlaamka. Halna kama joogo dadka aan la hadleyno waa ayaga.”

“Markii ay hadlayeen (Guddoomiyaha golaha shacabka iyo ra’iisal wasaaraha) wixii sabcinayay waxay ahaayeen wixii xamar ka yimid uma aysan imaan in ay wax ka faa’iideystaan halkan ee waxay u yimaadaan inay sabciyaan xaqiiqada runta ahna waa intaa.”

Sidoo kale waxa uu soo bandhigay qodoba uu sheegay inay fure u yihiin dhameystirka dastuurka iyo sareynta Sharciga;

-In la helo madax xil kasta oo sharciga u hogaansanta
-In madaxweynaha uu waajibaadkiisu u guto sida dastuurka dhigayo
-In baarlamaanka uusan hoos tagin Madaxtooyada
-In xildhibaanada aysan ku milmin wasaaradaha

Isagoo dalbaday in la dhaqan-geliyo qodobka 134, farqadiisa labaad ee dastuurka ku meel-gaarka ah (Kaasoo xeerinaya dhismaha Guddiga Madaxa-banaan ee Dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka iyo waajibaadkiisa).

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in uusan dastuurku waqtigiisu dhaceyn, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ku-meel-gaarnimada uu sii ahaan karo ilaa laga helayo habraac la isla ogyahay oo looga saarayo qabyo qoraalka.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Khamiista toddobaadkii hore soo saaray xeer madaxweyne oo uu dib ugu dhigay ansixinta wax-ka-beddelka Dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka.

Waxa xiligaas sababta lagu sheegay inay tahay maadaama la galay xilligii doorashada, islamarkaana  ay sii dhammaaneyso muddada xil-haynta barlamaanka 10-aad, ayna bilaabanayso muddo xileedka Barlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.