Madaxweyne Farmaajo oo war kasoo saaray guusha gobolka Banaadir + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Xulka Kubadda Cagta Gobolka Banaadir oo ku guuleystay Koobka Tartanka Dowlad Goboleedyada Dalka oo ka socday Caasimadda Muqdisho intii u dhaxeysay 20-kii ilaa 31-dii bishan Diseembar 2020.

Madaxweynaha oo bogaadiyey Xulka Dowlad Goboleedka Galmudug oo soo gaaray ciyaarta kama danbeysta ah, ayaa tilmaamay in ciyaartooyda, Macalimiinta iyo Maamulka Kubadda Cagta ee Galmudug iyo Gobolka Banaadir ay muujiyeen xirfad sare, isku xirnaan iyo dadaal ballaaran.

“Hambalyo dhammaan laacibiinta, Tababareyaasha, Garsooreyaasha, Taagereyaasha iyo guud ahaan bahda ciyaaraha Kubadda Cagta ee ka qeyb qaatay Tartanka Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Dhammaan waxaa soo bandhigteen ciyaar wanaag, xirfad sare, biseyl iyo sida aad dalkeenna ugu matali kartaan fagaareyaasha caalamiga ah ee kubadda Cagta,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Daawashada ciyaarta waxuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku maamuusay qaar ka mid ah Xidigihii Kubadda Cagta ee tirsanaa Kooxihii tunka weynaa ee Horyaalka dalka ee Horseed, Jeenyo iyo Minishiibiyo.

Farmaajo ayaa bogaadiyey qabanqaabada iyo hannaanka maamulka Koobka ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo si mugleh isaga kaashaday qabsoomidda tartankan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah uga mahadceliyey Ciidamadeenna Geesiyaasha ah ee habeen iyo maalinba u taagan amniga dalka, gaar ahaan inta uu socday Koobkan oo ay ka soo qeyb galeen dhallinyaro iyo masuuliyiin Soomaaliyeed oo ka socda Gobollada dalka.