Daawo: CC Shakuur oo shaaca ka qaaday sababta uusan u tegin shirka Garoowe

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka qeyb gelaayey dood cilmiyeed ay soo agaasintay hey’adda Xaqdhow oo looga hadlayey ‘xorriyatul qowlka iyo xilliga kala guurka ah’ ayaa wax laga weydiiyey sababta uu uga baaqday shirka ka socda Garowe.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Garowe ay jiraan dad ku filay, muhiimna aysan aheyn in hal meel la wada aado.

“Garowe in ku filanaa jirta, muhiim ma ahan in dadku hal meel ay wada aadaan, siyaasiyiin isugu jira mucaaradka, kuwa dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada-ba Garowe intii ku filan waa jirtaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur sheegay inuu Garowe uga baaqday sidii uu u waardiyeyn lahaa qaladaadka dowladda ka dhacaya.

“Anagu waxaan rabnaa inaan idinka idinla joogno, oo inla hadalno, oo dowladda aan waardiyeyno, hadii ay xadgudub sameyso aan u sheegno, marka meeshaan inaan joognaan rabnaa oo dowladda isha ku heyno, oo aan laga wada tegin goobta,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Shirka Madasha Aragti-wadaaga ee Machadka Heritage ayaa maalinkii labaad ka socda magaalada Garowe, waxana ka qeyb galay inta badan musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, madaxda maamul goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Galmudug, waxaana lagu wadaa in gelinka dambe ee berri la soo gaba-gabeeyo.