Daawo: Mahad Salaad oo fagaare ah ku raali geliyey Mahdi Guuleed iyo Dubbe

Garowe (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah martida shirka Madasha Aragti-wadaaga ee ka socda magaalada Garowe ayaa raali gelin ka bixiyey hadal uu horay u yiri oo jawaab uu uga dhigay hadalkii Mahdi Guuleed ee ahaa doorashada dalka wareega koowaad ayaan ku guuleysaneynaa.

Mahad Salaad ayaa xiligaas Mahdi Guuleed ugu jawaabay “Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa CIIRTAADA DHAME AYAA CAYDAADA YAQAANA. Waa nasiib daro Mahdi Gulled oo dad iyo duunyo ka arradan, shaqada kaliya ee Xamar uu u joogana ay tahay guulwadeynta Farmaajo iyo dullaynta dadka uu ka dhashay in uu caawa sidaas noogu daacdaacsado! Gulledow Xamar waxay caan ku tahay “KORISO, KIBRISO iyo KUFISO” waxaan ku leenahay NIMAAN KUU FURI DOONIN YUUSAN KUU RARIN. Farmaajo waa tagay ee dadkaaga haka dhex bixin.”

Isagoo hadalkaas raali gelinka bixinaayey ayuu yiri, “Saaxiibkey ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed waxuu yiri, arrintii wareega koowaad ayaan doorashada ku qaadeynaa waan ka cudur daaranaa, raali gelina waan ka bixinaa, xaalna waan ka dhiibaa. Anigana waxaan rabaa inaan raali gelina ka bixiyo xaalna ka dhiibo Ciirtii aan ku maah-maahay.”

Sidoo kale Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in si lamid ah Mahdi Guuleed uu u raali geliyey wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe, oo isna mar uu hadal xanaf leh ugu jawaabay.

Mahad Salaad ayaa xiligaas yiri, “Wasiirka Warfaafinta Mr. Dubbe maalin dhawayd waxaan daawaday isagoo ku masalaya “ISLAAN WAALAN” siyaasiin ay isku hayb yihiin, sida Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Wasiir hore Maareeye, Ra’iisul Wasaare ku xigeen hore Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo kuwa kale. Markaan dhuuxay magaca Dubbe aniga ayaa kaligey isqanciyay. Inkastoo Wasiir Dubbe uusan ahayn qaangaar-siyaasadeed marka loo fiirsado nuxurka hadalkiisa iyo marxaladaan kala guurka ah ee dalku marayo. Magaca “Dubbe” Soomaalidu waxay u taqaanaa BURRIS, waana bir kuusan oo daab madaxa kula jira oo farsamayaqaanku ku garaaco biraha uu tumayo ama farsamaynayo.”

Mahad Salaad oo hadalkaas ka raali gelinaya wasiirka ayaa maanta waxa uu yiri, “Saaxiibkey wasiir Dubbe waan is wareysanay, oo ra’iisul wasaaraha waan isaga soo horeynay, markii aan qaraabo hadalnay raali ahaaw ayaan si gooni ah u iri, waana heshiinay.”