28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Muxuu Xasan Sh. uga reebay Qeybdiid shirka madaxda maamul goboleedyada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu eedeeyay inuu Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug State Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid” u diiday inuu ku casuumo shirka madaxda dowlad Goboleedyada uga socda Muqdisho.

Tallaabada Xasan Sheekh ayaa lagu tilmaamay mid gef ah oo aan qabanin maamulka Galmudug iyo dadkiisa sida ay saxaafadda u sheegtay Sahra Maxamed Axmed oo ka tirsan ururka Haweenka SWDC oo Muqdisho ka dhisan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu u diiday Cabdi Qeybdiid ka qeybgalka shirka looga hadlayo hiigsiga cusub ee Muqdisho ka socda iyadoo maamulka Galmudug ka mid ahaa saxiixayaashii Road Map-ka ee lagu dhisay dowladda Federaalka.

Sahra waxay sheegtay inay nasiib darro tahay in shirkaasi aan laga qeyb gelin Cabdi Qeybdiid ayna cambaareynayaan tallaabada uu qaaday madaxweynaha Soomaaliya oo sida cad kasoo horjeeda ama aan ahmiyad siineyn dadka dega koonfurta Soomaaliya ee isaga ku haybta ah.

Maamulada Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb ayuu Xasan Sheekh u arkaa inaysan gaarin maamul goboleed rasmi ah sida maamulada kale ee shirka ugu socdo Muqdisho, iyadoo hadda ay socdaan shirar lagu doonayo in maamul dhameystiran loogu sameeyo Gobollada Dhexe.

Isha: Goobjooge

- Advertisement -

Read more

Local News