28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xasan Sheekh & madaxda maamulada oo hal qodob oo muhiim ah isku haya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynayaasha saddexda maamul goboleed ee dalka ka jira ayaa maanta kulan gaar ah oo albaabada u xiran yihiin ku leh xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa arirmaha looga hadlayo waxaa ugu waaweyn arrinta hiigsiga cusub ee 2016 iyo arrimo kale oo ay ka mid tahay dhismaha Golaha wasiirada cusub oo la filayo in lagu dhawaaqo 24-ka saac ee soo socota.

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya inay wadajir u soo saari doonaan war-murtiyeed wadajir ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya iyo mustaqbalka hiigsiga cusub.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka ayaa ka cabanaya arrinta ku saabsan Qorshaha Hiigsiga cusub oo ay sheegeen aanay talo ku lahayn balse ay yihiin oo kaliya ka qeybgalayaal magacyadooda ku jiraan. Waxay madaxweynaha Soomaaliya hordhigeen inay noqdaan hogaan ayna wax ka gaaraan Qorsheyaasha hiigsiga cusub.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu ku qanciyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada inay la shaqeeyaan dowladiisa, wuxuuna ku doodayaa in Hiigsiga cusub ay tahay qorshe beesha caalamka dejisay oo la mida kii Road Map-kii ay fulisay xukuumaddii C/weli Gaas ee dalka in laga saaro Kumeelgaarka. Wuxuuna ka rajo qabaa in wixii fashil ah ee ku yimaada Hiigsiga cusub uu noqdo mid mas’uuliyadeeda ay wada qaadaan dowladda dhexe iyo maamulada Gobolada.

Isha: Goobjooge

- Advertisement -

Read more

Local News