Muxuu xildhibaan Zakariye Maxamuud ka yiri khilaafka R/W Rooble iyo Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan golaha shacabka ee muddo xileedkiisa uu dhammaaday ayaa wareysi uu bixiyey kaga hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan xiisadda siyaasadeed ee Villa Soomaaliya.

Zakariye ayaa shaaca ka qaaday in haatan dalka uu ku jiro xaalad qatar ah, isla-markaana loo baahan-yahay in la qaado tallaabooyin lagu bad-baadinayo dowladnimada dalka.

Xildhibaanka oo sii hadlayey shaaca ka qaaday in aysan ka jirin wax dhib ah oo ka weyn isku dhaca madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

“Dalka wuxuu ku jiraa xaalad qatar ah anigu Xamar baan joogaa iska hor imaadka labada nin ee dalka ugu sarreysay waa wax dhib ah oo la sameeyo oo ka weyn ma jirto,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dalka uu leeyahay sharci iyo dastuur, loona baahan yahay in lagu dhaqmo ama khilaafka la geeyo baarlamaanka, si xal waara looga gaaro.

“Dalku dastuur buu leeyahay baarlamaan buu leeyahay iyaga la dhex-geeyo oo iyagu kala saaraana waa meel kale,” ayuu kusii daray hadalkiisa.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in labada nin ee ugu sarreysa dalka looga baahnaa inay u turaan shacabka, ayna keenaan is-bedal dhab ah, misana ay doorasho qabtaan.

Hadalka Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa kusoo aadaya, iyada oo meeshii ugu xumeyd ay gaartay xiisadda Villa Soomaaliya oo ku soo aaday, xilli kala guur ah.