Muxuu yahay baaqa ay xildhibaanada Aqalka Sare u direen xildhibaanada BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Aqalka Sare ee Somalia ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo meelmariyo Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ee maanta la filaayo in la horgeeyo Golaha.

Xildhibaan Sheekh Xuseen oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa Baarlamaanka ka codsaday inay meelmariyaan Wasiirada.

Xildhibaan Sheekh ayaa sheegay in Xildhibaanada BFS looga baahan yahay inay kala qaadan howlaha Qaranka iyo Ra’yigooda, waxa uuna ka dalbaday inay ansixiyaan Wasiirada.

Waxa uu sheegay in Xildhibaanada BFS looga baahan yahay inay dib usoo xasuustaan Kitaabkii alle oo ay ku dhaarteen, maadaama ay fiirsanayaan Malaayiin shacab Soomaaliyeed ah.

Sidoo kale wuxuu xusay in abaaro daran ay ka jirto Soomaaliya , islamarkaana Wasiirada ay yihiin golihii fulinta ee wax ka qaban lahaa.

Haddalka Xildhibaan Sheekh ayaa kusoo beegmaaya xili saacadaha fooda nagu soo heysa Golaha Wasiirada la horgeyn doono Baarlamaanka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com