Muxuu yahay ballan-qaadka safiirka Imaaraadka uu ka sameeyey MUQDISHO?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahne Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Imaaraadka Carabta ee arrimaha Soomaaliya, Axmed Jumca Alromaith.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa ballan-qaad culus ka helay danjiraha Imaaraadka, kaas oo uu ugu sameeyay kulanka ay wada yaasheen labada mas’uul.

Ugu horreyn guddoomiye Madaale ayaa dowladda Imaaraadka uga mahadceliyay garab istaaga iyo taageerada ay xilliyada adag siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay qorshaha dib loogu furaayo Isbitaalka Sheekh Zaaid ee ku yaala degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Dhankiisa danjire Alromaith oo madasha ka hadlay ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar oo uu ka dhacay kulanka uu la yeeshay  Madaale, isaga oo ku amaanay sida ay uga go’an tahay horumarinta caasimada dalka.

Waxa kale oo uu danjiruhu ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo midka iskaashi ee ka dhaxeeya labada shacab, iyo sidii Imaaraadka uu gacan ugu geysan lahaaa qorshayaasha horumarineed iyo isku xirka labada caasimadood.

Imaaraadka ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee haatan xiriirka wanaagsan la leh dowladda federaalka, wuxuuna dalka ka fuliyaa mashaariicyo horumarineed.