Khilaaf sababay shaqo joojinta boqolaal ka mid ah shaqaalaha New York Times

New York (Caasimada Online) – Boqolaal kamid ah saxafiyiinta iyo shaqaalaha ka howl-gala wargeyska caanka ah ee The New York Times ayaa maalintii Khamiistii sameeyey shaqo joojin soconaysa 24 saacadood, taasi oo ah shaqo joojintii ugu horraysay ee noocaas ah ee ay sameeyaan shaqaalaha wargeysku in ka badan 40 sannadood.

Guddida shaqaalaha ee wargeyska ayaa sheegay inay khaatiyaan ka istaageen gorgortanka aan natiijadu ka soo baxayn ee soo socday tan iyo bishii March ee sannadkii 2021, xilligaas oo uu dhamaaday heshiiskii hore.

Ururka Shaqaalaha ayaa toddobaadkii hore sheegay in kabadan 1,100 shaqaale ah inay qaban doonaan shaqo joojin socon doonta 24 saacadood, taasi oo bilaabaneysa 12 habeenimo ee Khamiista, haddii aan labada dhinac aanay gaadhin wax heshiis ah.

The NewsGuild oo ah urur ay ku jiraan xirfadlayaasha dhinaca saxaafadda ayaa xafiiskooda New York wuxuu bartiisa twitterka ku soo qoray in shaqaaluhu ay haatan si rasmi ah shaqada u joojiyeen, taasi oo ah tallaabadii noocan ahayd ee ay shaqaaluhu qaadaan muddo 40 sano ah.

Waxay qoraalkooda sii raaciyeen inay tahay go’aan adag inaad joojisid shaqo aad jeceshahay, hase ahaatee ay tallaabadaas u qaadeen inay dooddooda ka midho dhaliyaan.

Wada-xaajoodyo ayaa socday maalmihii Salaasada iyo Arbacada, hase ahaatee labada dhinac ayaan gaadhin wax isfaham ah, taasi oo ay isku maandhaafeen dhinaca mushaharka, in shaqaaluhu ay ka soo shaqayn karaan guryahooda iyo hannaanka loo qiimeeyo shaqaalaha, taasi oo ururka shaqaaluhu ay sheegeen inuu yahay mid u nugul in la sameeyo eex dhinaca isirka ah.

Afhayeen u hadlay wargeyska New York Times Danielle Rhoades Ha ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in iyadoo uu socdo wada-xaajoodka labada dhinac un shirkadda lagu soo wargeliyey in shaqaalihii ay shaqo joojin sameeyeen.

“Waa arrin laga niyad jabo in illaa xad, tallaabo noocaas ah qaadaan, iyada oo aan lagu jirin xaalad cakiran” ayuu yiri.

Afhayeenka u hadlay wargeyska New York Times ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press, in shirkadda uu u dejisan yahay qorsheyaal cadcad oo u saamaxaya inay sii wadaan inay shaqada wargeysku sii socoto.

Waxaa kamid ah qorshayaashaas inay ku tiirsanaadaan saxafiyiinta caalamiga ah iyo weriyayaasha kale ee aan xubnaha ka ahayn ururka shaqaalaha.