Xog: Ciidamada NISA oo is-hortaagay siyaasi ka dhoofi lahaa garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada dharcadka NISA ee garoonka ka howlgala ay hor istaageen siyaasi kasoo jeeda gobolka Gedo.

Siyaasigan oo gacansaar la leh madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu magacaabaa Cabdillahi Cabdi Qariyow (Cabdillahi Shimbir), waxaana laga reebay diyaaradii uu la socday oo ku wajahneyd magaalada Beledxaawo.

Waraka qaar ayaa sheegaya inuu siyaasigan u socday tacsida adeerkiis oo ku geeriyoday magaalada Beledxaawo, balse garoonka Muqdisho laga celiyay.

Wararka ayaa sheegaya in tegista Cabdullaahi Shimbir ee gobolka Gedo uu didian yahay madaxa NISA ee gobolka Gedo Bakaal Kooke oo gacansaar la leh agaasimaha NISA Mahad Salaad. 

In xildhibaanada iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan dowladda laga celiyo garoonka Aadan Cadde ayaa qeyb ka ahayd hab dhaqankii Hay’adda NISA xilligii Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, oo xubnaha dowladda ee iminka ay aad ugu dhaliili jireen..

Ma cadda weli siyaasadda dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ee gobolka Gedo xilligan, laakiin waxaa si weyn faraha ugula jirta dowlada Itoobiya oo waanwaan ka dhex waday maamulka isku heysata ee gobolkaasi.

Waxaa sidoo kale caddeyn xiriirka Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe, inkasta oo Saciid Deni oo xulufo ay yihiin Axmed Madoobe ay xiisad kala dhaxeyso madaxweyne Xasan Sheekh.