Mareykanka oo taageeray tallaabada uu guddoomiye Aadan Madoobe qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa soo dhoweysay shirka dib u heshiisiinta dhinacyada isku haya siyaasadda maamulka Koonfur Galbeed ee toddobaadka soo socda ka furmaya magaalada Baydhaba. 

Bilihii dhowaa ayaa waxaa jiray xiisad xooggan oo u dhaxeysa madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo mucaaradka Koonfur Galbeed, oo kasoo horjeeda muddo kororsiga madaxweynaha oo muddo xileedkiisa sharciga ah uu ku egyahay bishan. 

Guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa dhawaan iclaamiyey shir guud oo looga arrinsanayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi, shirkaas oo dhacaya toddobaadkan soo socda. 

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre oo maanta la kulmay guddoomiye Aadan Madoobe ayaa si buuxda u taageeray shirka. 

“Aniga iyo kooxdayda waxaan maanta la kulannay afhayeenka golaha shacabka Aadan Madoobe, waxaana si buuxda u taageernay dadaallada dib-u-heshiisiinta ee uu ka wado shirka Baydhaba ee toddobaadka soo socda. Tani waa waqti taariikhi ah, marka ay noqoto dagaalka lagula jiro Al-Shabaab; midnimada waa u muhiim Soomaaliya,” ayuu safiirka ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter-ka. 

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdcasiis Laftagareen ayaa horey u taageeray dadaallada Aadan Madoobe “ayada oo la tixgelinayo kacdoonka Shacabka, laguna dagaalamayo kooxda argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab oo ay hogaaminayaan ciidamada xooga dalka iyo ciidamada daraawiishta DKGS si looga ciribtiro dalka iyo dibadada.”