Sawirro: Sidee u dhacay meherka Jeneraal Saadaq iyo gabadha madaxweyne Geelle?

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabadda meherka Xildhibaan Jeneraal Saadaq Cumar Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Haybado Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta ka dhacday magaalada Jabuuti. 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka qeybgalay meherka, ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle sida maamuuska leh ee uu uga aqbalay doonista gabadhiisa Haybado Ismaaciil Cumar. 

Madaxweynaha ayaa xusay dhaqanka gacalnimada, islaamnimada iyo Soomaalinimada leh ee soo jireenka ah kaas oo uu ku bogaadiyey walaalkiis Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi guddoonsiinta gabadhan uu abtiga u yahay. 

“Waxaa hore loo yiri rag waxa ugu han weyn ninka gabar nin dhalay yiraahda i siiya, waxaana ugu deeqsisan ninka siiya. Haybado Ismaaciil Cumar Geelle, waxaan ka doonaynaa abkeed, abtiyaasheed iyo aabbaheedba oo aan waydiisanayno in gabadha nala siiyo oo na loo meheriyo annaga oo ku taagan jidkii gacalnimada Islaamka iyo Soomaaliduba lahayd ee soo jireenka ahaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.  

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in walaalnimada dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti uu maanta ku kordhay gacal iyo xididnimo isagoo qoyska cusub Alle uga baryey in uu isu barakeeyo, kalana siiyo ubad iyo nolol wanaagsan, isagoo xasuusiyey qiimaha ay xanbaarsan yihiin midowgooda, maadaama ay isu guuriyeen labo Qaran oo walaalo ah, wadaagana dhaqan, dhiig iyo taariikh soojireen ah. 

Munaasabaddan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaareyaal Hore oo soo hoggaamiyey Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, masuuliyiin iyo madax ka mid ah goleyaasha Jamhuuriyadaha Jabuuti iyo Soomaaliya.