Qaramada Midoobe oo ka digtay xaalad deg-deg ah oo ka dhici karta Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Isku-duwaha gargaarka bini-aadantinimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si weyn uga digay wuxuu ugu yeeray “xaalad deg-deg ah oo masiibo ah oo ka dhici karta Soomaaliya.”

Waxa uu sheegay in kala bar dadka ku nool Soomaaliya ay saameeysay abaaraha soo noqnoqday, ayada oo ku dhawaad 6.7 Milyan oo kale ay halis ugu jiraan inay soo wajahdo cunto la’aan iyo amaan daro, sida uu sheegay.

“Ku dhawaad 7.8 milyan oo Soomaali ah, oo ah ku dhawaad kala bar dadkeeda, ayaa waxaa saameeyay abaarta. Ku dhawaad 1.3 milyan oo qofna waa ay barakaceen tan iyo Janaayo 2021. 6.7 milyan oo qof ayaa la filayaa in ay soo wajahdo heerar sare oo cunto la’aan ah & ammaan darro, taasi waa dhamaadka sanadka soo socda,” ayuu yiri Adam Abdelmoula, Isku-duwaha gargaarka bini-aadantinimo ee QM ee Soomaaliya.

Isku-duwaha oo ka hadlay kulan ay wada-qaateen QM iyo Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxa kale oo uu sheegay in Soomaaliya uusan si wanaagsan uga da’in roobabkii shanaad oo xiriir ah.

Tirakoob la sameeyay ayaa muujinaya in tirada dadka ku nool Soomaaliya macaluusha ka hor ama ku dhow xaaladaha macaluuleed ay korortay shan jeer tan iyo bilowgii sannadkan 2022-ka.

“Barakaca gudahana waa uu socdaa, colaadda kheyraadka yari waxay si khatar ah u saameynaysaa nabadda iyo amniga. bulshada iyo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya,” ayuu yiri.

Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa ugu dambeyntiina ku nuux-nuuxsaday khatarta ka imaan karta xaaladda amni ee dalka Soomaaliya.