Fannaanad shaacisay tirada lacagta ay hal habeen ka hesho FANKA Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Fannaanadda da’da yar ee Nasteexo Cabdikariin Axmed, balse loo garan og yahay Nasteexo Dayax, oo wakhti kooban ku jirta fanka ayaa ka mid ah habalha wakhtigan ugu caansan gabdhaha ka heesa magaaladda Muqdisho.

Nasteexo oo u warantahay Barnaamijka muusigga iyo salaamaha ee BBC ayaa ka hadashay heesaha ay qaaddo oo u badan kuwo u janjeera dhanka jacaylka.

Gabadhan markii ay dhammeysay dugsiga sare ayey fanka ku soo biirtay balse waalidkeed ayaa si adag uga hor yimid galitaankeeda fanka, inkasto ay ka dhabeysay qorsheeheedi ahaa inay heesto, basle wali qaar ka mid ah waalidkeed ayaan ilaa hadda ku farxsaneyn inay sii heesto.

‘’Qoyskayga raali kama aheyn, balse markii dambe hooyo waan iska maslaxay, waan sababay sababtoo ah hooyo wey naxariis badan tahay.”

Go’aan ku saabsan fanka Naxteexo

Hase yeeshee, Naxteexo waxay sheegtay in aabeheed uu ka biyo diiday xirfaddeeda fanka, xal kalena ay weysay, sidaas awgeedna ka tanaasuleyso fannaanimada.

“Laakin aabahay ilaa hadda wuu ka soo hor jeedaa inaan fannaan sii ahaahdo, Isaga dartii ayaan uga baxayaa fanka,” ayey tiri Nasteexo Dayax.

Lacag intee la eg ayey heshaa?

Fannaanad Nasteexo Dayax ayaa sheegtay arrin ay ugu duwan tahay fanninta kale. Qaar badan oo horay ula hadalay Barnaamijka muusigga iyo salaamaha ee ka baxa Bbc ayaa sheegay in aanay wax qarash ah ka helin fanka, marka laga yimaado caanimo uun. Balse hoboladdan da’da yar ayaa sheegtay inay fanka ka hesho lacag badan markii ay ka qayb gasho dhowar xafladood halkii habeen.

“Marka aan isu maro dhowr xafladood waxaan helaa lacag u dhiganta kun ilaa kun shan boqol oo doolar ($1500), dadka dhahaya lacag lagama helo fan aniga waan ka soo hor jeedaa, inkasto oo aniga aan shaqooyin kale qabto, oo fanka kaliya aanan ku tiirsaneyn,”ayey tiri Nasteexo Dayax.