Maamulka GALMUDUG oo yeeshay guddi doorasho oo cusub iyo Xaliimo Yarey oo…

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Galmudug, mudane Cali Daahir Ciid ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada ee Galmudug, oo la horgeeyay guddiga madax-banaan ee doorashooyinka maamulkaasi.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga guud, ayadoona warbixin laga dhageystay Wasaaradda Amniga Gudaha oo ka warbixisay xaaladda guud ee amniga Galmudug.

Intaas kadib waxay Golaha Wasiirada cod gacan taag ah u qaadeen ansixinta guddiga madax-banaan ee doorashooyinka Galmudug, kaasi oo lagu meel-mariyay cod aqlabiyad leh.

Galmudug ayaa sidaas ku yeelatay guddiga doorashooyinka, oo ka kooban 7 Xubnood, kuwaasi oo kala ah;

  1. Xaliimo Ismaciil Ibraahim
  2. Dr Yaasiin Cabdi Jaamac
  3. Xersi Yuusuf Barre
  4. Khaliif Axmed Gabow
  5. Amiira Daahir Maxamed
  6. Maxamed Cabdi Shardi
  7. Cabdirashiid Cabdiraxman Axmed

Xaliimo Yarey oo kamid ah xubnaha Guddigaan ayaa dhawaan laga qaaday xilkii Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka oo muddo dheer ay soo aheyd, waana haweeney sida la rumeysan yahay khibrad iyo aqoon badan u leh arrimaha la xiriira doorashooyinka.