Xasan oo gaaray Sacuudiga iyo ujeedka socdaalkiisa

Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Riyadh ee caasimada Boqortooyada Sacuudi Carabiya, si uu uga qeyb-galo shirka Shiinaha uu la leeyahay Madaxda Waddamada Carabta iyo Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inta uu ku sugan yahay Sacuudiga in uu kulama kala duwan la qaato doona masuuliyiin ka tirsan Boqortooyada, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, Madaxda Carabta iyo kuwa Afrika ee shirkaas qeybta ka ah.

Xasan ayaa madaxda uu la kulmayo kala hadli doona xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Amniga, Bani-aadamnimada iyo deyn cafinta, maadaama ay madasha ku sugan yihiin qaar kamid ah waddamada deynta ku leh Soomaaliya.

Hoggaanka Shiinaha ayaa si weyn u daneynaya in dalkiisa uu xiriir Ganacsi iyo mid amni la wadaago waddamada Carabta iyo Afrika si meesha looga saaro dowladda Mareykanka oo la rumeysan yahay inay awood ku leedahay.

Shiinaha ayaa lagu wadaa in uu ballan-qaad u sameeyo waddamada Carabta iyo Afrika si u sameeyo soo jiidasho uu ku xoojin karo cilaaqaadka uu doonayo in uu la yeesho waddamadaan intooda badan u janjeera Mareykanka.