Muxuu yahay heshiiska ay wada gaareen DF Soomaaliya, ATMIS iyo UNSOS? + Sawirro

New York (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta heshiis saddex geesood ah oo ku saabsan amniga, gaar ahaan ciidamada ku saxiixday magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu ku sugan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Heshiiskan oo u dhexeeyay dowladda federaalka, UNSOS iyo ATMIS ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay wasiirka gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qayb ka ah wafdiga madaxweynaha.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in heshiiskan saddex geesoodka ah loogu talagalay taageerada saadka qeyb ka mid ah Ciidamada Soomaaliya

“Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa magaalada New York ee dalka Mareekanka ugu saxiixay Soomaaliya heshiis saddex geesood ah oo ay ka wada qeyb galayeen UNSOS, ATMIS iyo DFS kaas oo loogu talagalay taageerada saadka qeyb ka mid ah Ciidamada Amniga Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka kooban ee kasoo baxay dowladda.

Heshiiskan ayaa daba socda Shirka Amniga Soomaaliya ee lagu qabtay New York, kaas oo lagu muujiyey muhiimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.

Shirkan oo ay Soomaaliya soo qaban qaabisay waxaa ka qeyb-galaya 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa shirkaas ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgelay ee dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, muhiimadda iskaashiga amniga ee heer qaraadadeed iyo heer caalam, bixitaanka ciidamada ATMIS iyo xasilinta siyaasadeed ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, sidoo kale waxa ay ciidamada dowladda isku diyaarinayaan inay amniga kala wareegaan ATMIS.