Somalia oo gaareysa maanta guul weyn oo taariikhi ah

New York (Caasimada Online) – Waxaa maanta la filayaa in guddiga sare ee Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF uu ku dhawaaqo go’aanka kama dambeysta ah ee dayn cafinta Soomaaliya, kaas oo muddo dheer soo socday.

Dowladda Soomaaliya ayaa kadib waxa ay u dabaal-degaysaa in laga cafiyay deyn dhan 5.2 bilyan oo dollarka Mareykanka, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo war qoraal soo saaray ayaa sheegay in 60 sano kadib maanta Soomaaliya laga cafinayo deynta.

Sidoo kale wxa uu tilmaamay in guul weyn iyo fursad u tahay shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku baaqay in laga wada shaqeeyo mustaqbalka ifayo ee Soomaaliya.

“Maalmihii Wacnaa waa lagu jiraa! Maanta waxaan sagootinaynaa dayn Lixdan Sano nalaku lahaa, Mustaqbal Ifaya ayaa horteenna ka muuqda balse wali shaqo adag ayaa inoo taalla Walaalayaal, alle ayaa mahadsan” ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta.

Marka lagu dhawaaqo in Soomaaliya laga cafiyay ynta waxaa dowladda federaalka ah ay ku qasban tahay abuurista ilihii isku filnaanshaha, waxaa istaagi doonta inta badan kaalmadii lacageed ee ka imaan jirtay dibadda.

Akhrso: heerarka  kala duwan ee ay soo martay dayn cafinta:-

2012: Wuxuu ahaa billowga geeddiga deyn cafinta Soomaaliya.

2013: Dowladda federaalka ayaa dib ugu biirtay sanduuqa lacagta adduunka ee IMF.

2015: Waxaa Soomaaliya iyo IMF u billowday wada-hadallo la xiriira dhaqaalaha.

2016-2020: Waxaa billowday SMP, (Hannaanka deyn cafinta).

2020: Waxaa billowday ECF, wajiga labaad hannaanka deyn cafinta, kaas oo socday illaa 2023.

2023, 13 December oo ay maanta tahay waxaa la filayaa in si buuxda Soomaaliya looga cafiyo dhammaan deymaha lagu leeyahay.