Muxuu yahay khilaafka la xiriira Soomaaliya ee ka dhex qarxay dowlada Mareykanka?

Washington (Caasimada Online) – Sharci-dejiyayaasha ugu sarreeya xisbiga Dimoqraadiga iyo maamulka Biden ayaa waxaa ka dhex-qarxay khilaaf salka ku haya Soomaaliya, iyo sharciyadda uu maamulka weerar uga fulin karo Soomaaliya.

Xubnahan, oo aad uga horyimid duqeymihii ugu dambeeyey ee uu Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya, ayaa ku dooday in ficillada maamulka Biden ay wiiqayaan ballan-qaadkii madaxweynaha ee ahaa inuu beddeli doono ruqsadaha dagaalka ee waqtigoodu dhacay. 

Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka, oo Soomaaliya ku beegsata kooxda Al-Qacida bah-wadaagta la ah ee Al-Shabaab, ayaa weerarkii ugu dambeeyey ugu cudur daaratay adeegsiga ruqsadda AUMF oo lasoo saaray 2001-dii, taasi oo lagu weerari karo kooxaha ka dambeeyey weerarkii Mareykanka lagu qaaday September 11, 2001.

Dimoqraadiga oo mar kasta ku dooda in ruqsadda 2001 aan lagu dabaqi karin weeraro dhacaya 20 sano kadib, ayaa sheegay in maamulka Biden uusan haysan ogolaansho uu ku weeraro Soomaaliya. 

“Waxa kooxda Biden ay sameynayaan ayaa la mid ah wixii aan ku aragnay saddexdii maamul ee ka horreeyey, hase yeeshee, aniga ahaan ilama waafaqsana ujeedooyinka Congress-ka,” waxaa sidaas yiri Senator Ben Cardin oo laga soo doorto gobolka Maryland, sidoo kalena xubin ka ah guddiga xiriirka arrimaha dibedda ee Senate-ka. 

“Waxay ila tahay in madaxweyne Biden ay tahay inuu soo codsado ruqsad cusub oo uu ku adeegsado awood militari, islamarkaana uu aqoonsado ruqasadda 2001 ay tahay in la baabi’iyo,” ayuu ku daray.

Senator Tim Kaine oo laga soo doorto gobolka Virginia, oo Aqalka Cad kala shaqeynayey in la beddelo ruqsadda 2001 ee AUMF, lana soo saaro mid la jaanqaadi karta halista argagixiso ee xilliga, ayaa maamulka Biden ku booriyey inuu Congress-ka si deg deg ah ugu wargeliyo “ujeedooyinkiisa ka hortagga argagixisada iyo halisaha iminka.”

“Ma helin wax akhbaaraad ah oo soo jeedinaya in weeraradan ay lagama maarmaan u yihiin badbaadinta shaqaalaha Mareykanka, waxaana jeclaan lahaa inaan fahmo, haddii aysan sidaas jirin, waxa loo fulinayo,” ayuu yiri Kane.

Senator Chris Murphy oo isna laga soo doorto gobolka Connecticut ayaa yiri “Haddii aad weerareyso Soomaaliya, u imow congress-ka, oo hel ogolaansho. Haddii aad dooneyso inaad ku lug yeelato dagaallada Soomaaliya ee shanta sano ee soo socda, noo imow oo noo sharax sababta ay lagama maarmaan u tahay, oo naga hel ogolaansho.”

“Tani waa tusaale qaldan oo halis ah oo uu dejinayo maamulka,” ayuu yiri Murphy oo sidoo kale xubin ka ah guddiga xiriirka arrimaha dibedda ee Senate-ka.   

Maamulka Biden ayaa Jimcihii lasoo dhaafay Soomaaliya ka fuliyey weerarkii labaad ee toddobaad gudihiisa ah kadib lix bilood oo uusan wax weerar ah ka fulin dalka. Labada weerar ayaa waxaa ansixiyey Jeneral Stephen Townsend, oo ah madaxda taliska ciidamada AFRICOM.

Dhinaca kale, xubnaha Jamhuuriga ayaa taageeray oo bogaadiyey duqeymaha uu fuliyey maamulka Biden. Jamhuuriga ayaa mar kasta u ololeeya in la ballaariyo awoodaha dagaalka ee madaxweynaha. 

“Uma maleynayo in madaxweynaha uu baahan yahay sharci uu meel-mariyo Congress-ka si uu beegsado argagixiso halis kusoo rogeysa Mareykanka, meesha ay doonaan dunida ha ka joogaan’e,” waxaa sidaas yiri Senator Marco Rubio oo laga soo doorto Florida, ahna guddoomiye ku-xigeenka guddiga arrimaha dibedda ee Senate-ka.