Muxuu yahay kulanka uu Golaha Ammaanka maanta ka yeelanayo Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in maanta oo Jimce ah ay kulan deg-deg ah ka yeeshan xaalada cakiran ee Soomaaliya iyo is-mari-waaga doorashada oo xiisad hor leh ka dhaliyay dalka.

Shirkaan ayaa waxa warbixin dheer ka jeedin doona Ergayga gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, midaasi oo uga hadlayo arrimihii ugu dambeeyay ee xaalada siyaasadeed alka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Swan ayaa sidoo kale inta uu socdo shirka waxa uu Golaha uga warbixin doona dadaaladii u dambeeyay ee Qaramada Midoobay ka sameysay xaalada dalka iyo isku soo jiid-jiidka madaxda is diidan ee isku haya doorashada.

Golaha ammaanka ayaa xoogga saaraya sidii loo qaban lahaa doorashooyinka Soomaaliya muddo gaaban si xasiloon, islamarkaana ay isku wada raacsan yihiin madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka oo iyagu hore u kala saxiixday heshiis dhaqan-gali waayay 17-kii Septemer ee 2020-ka.

Kulankaan oo u dhacaya qaabaka fogaan araga ayaa waxa dhankooda la dhageysnayaa danjirayaasha wakiilka ka ah 5-ta dal ee joogtada ah iyo 10-kale ee ku yimaada doorashooyinka, waxaana gaba-gabada kulankaas laga soo saari doona War-saxaafadeedka lagu faah-faahinayo natiijada kasoo baxday shirkaas deg-dega ah.

Ma aha markii u horeysay ee Golaha amaanka uu fadhi deg-deg ah ka yeesho xaalada Soomaaliyada, waxaana dhamaadka bishii hore uu shir ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, kaasi oo uu kasoo saaray baaq la xiriira in deg-deg loo qabto doroashada, midaasi oo uu sheegay inay lama maarmaan u tahay geedi-socodka Soomaaliya.