Sawirro: Siduu ayuu dhacay aaska qaran ee maanta loo sameeyay Cali Mahdi?

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho, waxaana salaada janaasada ka qeyb-galay Madaxda waqtigooda dhamaaday iyo Musharaxiinta mucaaridka.

Markii ay soo cago dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde diyaaraddii sidday Maydka Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa waxaa naxashka marxuumka oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan.  

Madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyneyaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa salaadda janaasada ku tukaday, Alle ha u naxariistee, Madaxweynihii hore ee dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo Aas-Qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho.

Aaska Qaran ee loo sameeyay Marxuum madaxweyne Cali Mahdi waxaa kale oo ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale waxa janaasada marxuumka ka qeyb-galay oo iyagna ku tukaday Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed, Mudaneyaal ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Duubabka Dhaqanka, Culimada Soomaaliyeed, Ehelada Marxuumka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Meydka marxuumka ayaa lmarkii ay madaxdu ku tukatay salaada janaasada loo qaaday halka lagu aasi lahaa oo la sheegay iney tahay Masjidka Cali Mahdi oo ku yaalla dagmada Yaaqshiid, halkaas oo la sheegay in marxuumka uu ka dar-daarmay in lagu aaso.