Amisom oo musharaxiinta u diiday inay ilaalo la galaan garoonka Aadan Cadde iyo xiisad culus oo ka dhalatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada AMISOM ee ilaalada ka ah garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa gudaha garoonka u diiday musharaxiinta iney la galaan ilaaladooda, xilli halkaas laga soo dajinayay meydka marxuum Cali Mahdi Maxamed oo horay madaxweyne uga soo noqday dalka.

Ciidamada AMISOM oo amar ka heystay madaxda dowladda ayaa is hor istaag ku sameeyay musharaxiinta oo ay u diideen iney ilaaladooda la galaan gudaha, taasna waxaa ka dhashay xaalad kacsanaan ah.

Sida aan xogta ku helnay ciidamada ay wateen madaxweynayaashii hore Xasan Sheikh iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa xaalad ka abuuray goobtii, waxeyna diideen in qofna uu galo garoonka, taasna ay abuurtay in ciidamada AMISOM ay qudhooda lasoo baxaan hub culus ilaa xaaladda la dajiyo.

is-mari waaga dhacay oo muddo xaalad kacsanaan ah ka abuuray afaafka hore garoonka diyaaradaha ayaa markii dambe la xaliyay, waxaana ilaalada musharaxiinta mucaaradka ee doonayay iney galaan garoonka loo ogolaaday iney gudbaan.

Sidoo kale wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga loo balansan yahay in lagu aaso madaxweynahii hore Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ah dagmada Yaaqshiid iyo agga u dhaw garoonka diyaaradaha ayaa la xiray, iyadoo aan la ogoleyn isku socodka gaadiidka.

Madaxweynayaashii hore, guddoonka labada aqal e Barlamaanka, xildhibaano, madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay aaska marxuu Cali Mahdi Maxamed.