Xog: SHIRKA Afisyooni oo wajahaya cabaqad cusub + Labada qorshe ee Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in shirka la qorsheynayo inuu ka dhaco teendhada Afisyooni ee madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada uu wajahayo caqabad keeni karto inuu baaqdo ama dib u dhaco ugu yaraan.

Sida aan xogta ku helnay, madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ayaa aad uga soo horjeeda inuu shir ku galo teendhadaas, isaga oo taas u arka inay si weyn u dhaawici doonto sharciyaddiisa, waxaana jira isku dayo dhowr ah oo uu Farmaajo shirkaas uga war-wareegayo.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa inuu jiro qorshe madaxweyne goboleedyada raacsan Farmaajo sidan Cali Guudlaawe, Qoor Qoor iyo Lafta-gareen looga dhaadhicinayo inay shirkaas diidaan, oo ay dalbadaan in madaxtooyada lagu shiro.

Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaan weli soo gaarin Muqdisho, halka Guudlaawe oo markii hore ku sugnaa uusan weli shirkan ka hadlin.

Shirka teendhada Afisyooni ayaa waxaa dalbaday Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo sheeegay inaysan aamineyn Villa Somalia, waxaana haddii sida hadda la isku dayayo ay suurta-gasho, oo ay diidaan qaar ka mid madaxweyne goboleedyada kale ay mugdi weyn gelin doonta qabsoomiddiisa.

Haddii qorshahan uusan hirgelin, waxaa jira qorshe labaad oo ah in Farmaajo dalbado in shirka uu noqdo oo kaliya xaflad lagu saxiixo heshiiskii Baydhaba ee 15- Febraayo, halka Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay wataan shuruudo soo kordhay kadib shirkii Baydhaba, kuwaas oo kala ah: 

1 –In Madaxweyne Farmaajo saxiixo warqadda xil-gaarsiinta, oo u uku sheegayo in muddo xileedkiisu dhammaaday.

2 –In wixii sharciyo oo ay baarlamanka ansixiyeen kadib 27-kii bishii December, xilligaas oo uu dhamaaday mudo xileedkii baarlamaanka, laga laabto.

3 –In amniga doorashooyinka laga wadhadlo, kadib wixii Muqdisho ka dhacay 19-kii Febraayo, markaasi oo la weeraray dibad-baxayaal iyo musharaxiin mucaarad ah oo la rasaaseeyey.

Ma cadda sida xaal noqon doono, hase yeeshee madaxweyne Farmaajo ayaa rumeysan in haddii Xalane uu galo ay ka dhigan tahay inay luntay sharciyaddiisa madaxweyne ee weli uu aamisan yahay inay jirto, ayna ku tahay bahdil.