Muxuu yahay ‘qorshaha ay isla ogaayeen’ xukuumadda iyo BF ee la geeyay shirka Dhuusamareeb 3?

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaan Saleebaan Faarax Ciise oo kamid xildhibaanada dowlad goboleedka Puntland ayaa daboolka ka qaaday qorshe uu sheegay inay si wada-jir ah u diyaariyeen Villa Somalia iyo Baarlamaanku oo la geeyay shirkii Dhuusamareeb-3, ee lagu soo gaba-gabeeyay caasimada Galmudug.

Xildhibaan Saleebaan oo ka qeyb galay doodda Jimcaha ee VOA ayaa sheegay in Villa Somalia iyo Baarlamaanku ay isla ogaayeen sidii loo carqaladeyn lahaa hanaanka wada ogolka ah ee shirkaasi, oo xiligan ahaa mid aan loo dhameyn, isla markaana loo hirgelin lahaa muddo kordhin.

Waxa uu sheegay in sababta go’aan aan loo dhameyn loo saaray ay ahayd in la ogaa in la diidi doono, kadibna sidaas muddo kororsi lagu xalaaleysto ayada oo la eedeynayo dhinacyada diiday.

“Ujeedada rasmiga ah ee laga lahaa waxay aheyd oo baarlamanka iyo madaxtooyada la isla ogaa, ha la-carqaladeeyo hanaanka wada ogolka ah ee heshiiska lagu yahay ee ka socday Dhuusamareeb, waxayna ku heshiiyeen sidii loo xalaaleysan lahaa muddo kororsi,” ayuu yiri.

Maamullada Puntland iyo Jubaland ayaa diiday go’aanadii kasoo baxay shirka.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo isna doodad ka qeyb galay ayaa u muuqday mid qiraya hadalka xildhibaan Saleebaan iyo ujeedka uu sheegay in la damacsanaa.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka qayb qaadanayay Doodda Jimcaha ee BBC ayaa iftiimiyay inaanay dalka ka dhici doonin wax doorasho ah, haddii labadaasi maamul carqaladeeyan doorashada.

Waxa kaloo uu sheegay inaanan la ogolayn in dalka ka dhacdo dowlad la’aan, illaa iyo inta dowlad cusub laga soo dhisaayana, uu sii shaqayn doono Baarlamaanka haataan jira.

“Haddii ay is hortaag ku sameeyan eedooda iyagaa qaadaya, doorasho dhici doontaana malaha. Aniga warka horeyna waan u sheegay, haddii ay doorashada is hortaag ku sameeyan Baarlamaankaanaa sii jooggaa, lama ogolo dowlad la’aan. Dalkeenu waa Baarlamaani ee ma nihin dowlad la soo doorto. Baarlamaankaa joogaayo illaa ay ka ogolaadaan, xaqiiq waaye taas,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.