DENI oo xildhibaanno iyo wasiiro maanta kala hadlay go’aanadii Dhuusamareeb

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni ayaa xarunta madaxtooyada ee Garoowe kulan gaar ah kula qaatay qaar ka mid ah xildhibaanada iyo wasiirada maamulkaasi, kaas oo looga hadlay xaaladda dalka.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah, islamarkaana saacado badan qaatay ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka iyo shirkii lagu soo gaba-gabeeyey Dhuusamareeb.

Ugu horreyn Siciid Deni ayaa xildhibaanada Puntland iyo golihiisa wasiirada la wadaagay aragtiisa diidamada ah ee uu ka qabo heshiiskii lagu gaaray shirka Dhuusamareeb 3 iyo tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee ay qaaday dowladda federaalka ah ee Soomalaiya.

Madaxweynaha maamulka Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale ka dalbaday inay doorkooda qaataan xaaladda siyaasaadeed ee dalka.

Dhinaca kale waxaa kulanka lagu soo qaaday arrimo ku aadan xaaladda Puntland iyo howl-gallada ciidamada maamulkaas ay ka wadaay dhulka buuraleyda ee gobolka Bari.

Puntland oo garabsaneysa Jubbaland ayaa si weyn uga hortimid heshiiskii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb, kaas oo lagu cadeeyey nooca doorasho ee 2020/21.