Xagee ayuu ku dambeeyey baaritaanka dilka wasiirkii beeraha HirShabeelle?

Jowhar (Caasimada Online ) – Kadib wixii ka dambeeyey toogashadii todobadkii la soo dhaafay lagu dilay wasiirkii beeraha iyo waraabka HirShabelle, Marxuum C/qaadir Abuukar Maxamed (Karaani) ayaa waxaa Jowhar oo lagu dilay ka bilowday baaritaano dheeri ah oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey falkaasi oo goobta isaga baxsaday dhacdada, kadib.

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku soo dhigay tiro dad ah oo lagu tuhmayo falkaasi, kuwaas oo laga soo qaabtay xaafadda Kulmis oo uu ka dhacay dilka marxuumka.

Wasiirka amniga ee HirShabelle, Maxamed Cabdiraxmaan Khayre oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in haatan baaritaanadu ay marayaan meel wanaagsan, wuxuuna tilmaamay in 5 ruux gacanta lagu soo dhigay oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen dilka wasiirka.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey inay ka maamul ahaan rajo wanaagsan ka qabaan in gacanta lagu soo dhigo kooxihii ka dambeeyey dilkii loo geystay wasiir Karaani oo xil-kaas hayey muddo ka yar hal todobaad, kadib markii uu magacaabay Madaxweyne Waare.

“Hay’adaha ammaanka markii dilka uu dhacay waxa ay tageen goobta, iyaga oo gacanta ku dhigay 5-ruux oo la tuhmayo, waxaana ku socota baarista oo heer gaba-gabo ah mareyso, rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa in gacanta lagu soo dhigo dhagar-qabayaashii dilay Wasiir Karaani oo todobaad ka yar magacawnaa” ayuu yiri Wasiirku.

Allaha u naxariistee Marxuum Cabduqaadir Abuukar Maxamed (Karaani) ayaa sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka maamulka HirShabelle, isaga oo ku biiray 2016-kii oo ah markii la aas-aasay maamulkaas oo ka arrimiya gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe.